Hadalkii Rooble ee rabshadaha Muqdisho oo la dhaliilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay qaabka uu uga hadlay qalalaasaha doorashooyinka dalka iyo rabshadihii ka dhacay Muqdisho.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirka amniga Galmudug horey u soo noqdey Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka federaalka, ayaa xusay in hadalkii xalay kasoo yeeray Rooble uusan "ka turjumeyn dareenka dhabta ah ee shacabka".

Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa ku waaniyey Rooble in uu qiro halista ay wajaheyso caasimada Muqdisho isla markaana auu ka shaqeeyo sida xal loo heli karo.

"Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa madaxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo," ayuu Fiqi ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Wuxuu intaas ku daray: "Xalay fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, kama turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo kuwa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo weeraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaamiyaal diiday muddo kordhin sharciga hareermarsan".

Wasiirka ayaa intaas raaciyey: "Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka balaaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka duwan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo magaalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaasoo furimihii Alshabaab laga soo bixiyey!.!".

"Sida hala isku dhaamo, dhiigga dadka Muqdisho oo qulqulaya madaxtinimada lagu dhex sheegto waxaan magac xumo ahayn laga dhaxli maayo," ayuu kusoo xiray.

Rooble ayaa xalay wuxuu kasoo muuqdey muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada kaasoo uu ku dhaleeceeyay talaabooyinka milatari ee mucaaradka u qaadey diidmadda ka dhanka ah muddo kororsiga iyo kursi jaceylka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM