Hakad ku yimid shaqadii garoonka Aadan Cadde kadib shil diyaaradeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaqadii Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan dhabaha ay diyaaraduhu kusoo dagaan ayaa hakad ku yimid kadib shil diyaaradeed oo Arbacada maanta ah ka dhacay.

Shilka oo ay sababtay diyaarad nooca xamuulka ah ayaa wuxuu ka dambeeyay markii ay awoodi wayday in ay lugaha u baxaan isla markaana duuliyaha uu kusoo dejiyay si qasab ah.

Diyaaradda ayaa kusoo degtay caloosha, maadaama lugihii u bixi waayeen, waxaana tani ay sababtay in la hakiyo howshii Runway-ga.

Iyadda oo aan wali la xaqiijin cidda leh diyaaradda, lama soo warin wax khasaaro nafeed. Sababta shilka ayaa lagu waramayaa in baaritaan lagu bilaabayo.

Mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in howsha garoonka, gaar ahaan Runway-ga ay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu celiyeen.

Dedaaladda la sameeyay ayaa horseeday in diyaaradda looga leexiyo dhabaha.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa kamid ah ilaha dakhli ee dowladda, waxaana sanadihii u dambeeyay uu soo jiidanayey duulimaadyo caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM