Hakad ku yimid shaqadii garoonka Aadan Cadde kadib shil diyaaradeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shaqadii Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan dhabaha ay diyaaraduhu kusoo dagaan ayaa hakad ku yimid kadib shil diyaaradeed oo Arbacada maanta ah ka dhacay.

Shilka oo ay sababtay diyaarad nooca xamuulka ah ayaa wuxuu ka dambeeyay markii ay awoodi wayday in ay lugaha u baxaan isla markaana duuliyaha uu kusoo dejiyay si qasab ah.

Diyaaradda ayaa kusoo degtay caloosha, maadaama lugihii u bixi waayeen, waxaana tani ay sababtay in la hakiyo howshii Runway-ga.

Iyadda oo aan wali la xaqiijin cidda leh diyaaradda, lama soo warin wax khasaaro nafeed. Sababta shilka ayaa lagu waramayaa in baaritaan lagu bilaabayo.

Mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in howsha garoonka, gaar ahaan Runway-ga ay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu celiyeen.

Dedaaladda la sameeyay ayaa horseeday in diyaaradda looga leexiyo dhabaha.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa kamid ah ilaha dakhli ee dowladda, waxaana sanadihii u dambeeyay uu soo jiidanayey duulimaadyo caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Abaabulaya Kacdoon Shacab xili barakicinta dagaal isku bedeshay

Saacado kadib markii mucaaradka iclamaaliyay kacdoonka shacab, xaafadda Warlaliska oo degmada Deyniile katirsan.

  • Soomaliya

    06-05-2026

  • 09:30PM

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM