Halkee ayuu marayaa wadahadalka u dhexeeya Jubaland iyo DF Soomaaliya?

Image

KISMAYO- Waxaa socda wadahadal u dhexeeya madaxda maamulka Jubaland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya kuwaas oo maraya meel xasaasi ah sida warsidaha Garowe Online ogaadey.

Ra’isal Wasaarada Soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ayaa Kulamo gaar ah la lahaa 24 saac ee ugu dambeeyey madaxweynaha Jubaland iyo qaar la tirsan golihiisa xukuumada.

Wadahadalkaan ayaa diirada saaraya sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka Axmad Madoobe hogaamiyaha ka yahay iyo Dowlada Federaalka oo mudooyinkii  ugu dambeeyey xumaa.

Sida wararka lagu heleyo wadahadalkaan ayaa dhinacyada is khilaafsan diirada ku saarayaan sidii dib loogu soo celin lahaa wadashaqehnta labada dhinaca sida xal ka gaarista xaalada amni ee dalka iyo joojinta faragalinta arimaha gudaha Jubaland taas oo Villa Somalia mudooyinkii ugu dambeeyey wadey.

Wadahadalkaan ayaa waxaa maalintii shalay  ku soo biirey ku simaha Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin isagoo kasoo duuley magaalada Muqdisho.

Warsidaha Garowe Online oo waydiiyey sarkaal ka tirsan maamulka Jubaland sababta Fahad Yaasiin ugu soo biirey wadahadalkaan xilli RW Khayre ku sugan yahay Kismaayo ayaa sheegey in isagu ahaa ninkii soo bilaabey wadaxaajoodka labada dhinac islamarkaana dabada ka riixayay in khilaafkaan la soo afjaro.

Fahad Yaasiin ayaa wadahadal hordhac ah horey ula yeeshey madaxda maamulka Jubaland kuwaas oo ka dhacey magaalada Nairobi.

Lama oga mowqifka madaxweynaha ee ku aadan wadahadalkaan iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe raadinayo balan qaad ah in Dowlada Federaalka aysan faragalin ku sameyn doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan maamulkaan bisha August.

Farmaajo iyo Axmad Madoobe ayaa waxaa u dhexeeya is-fahan waa ba’an iyadoo hadda ay muuqato Fahad Yaasiin iyo Khayre in xalinta khilaafkaan si aad u raadinayaan inta aan la gaarin doorashooyinka Soomaaliya ee soo socda 2021.

Madaxda Dowlada Federaalka ayaa fikir ahaan ku kala duwan xal ka gaarista khilaafkaaan tan iyo intii uu fashilmey qorshihii Villa Somalia ku raadineysay in Puntland doorashadii ka dhacdey uu ku soo baxo Madaxweyne ay iyagoo taageersan fikir ahaan taasoo hadii ay sii socoto khatar galineysa rajada ay ka qabaan iney ku guuleystaan doorashada 2021.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM