Hantida xubno uu ku jiro Xasan Daahir Aweys oo la amray in lala wareego

Image

LONDON, UK – Xasan Daahir Aweys iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ayaa kasoo muuqdey liiska 330 qof kuwaasoo dowlada Ingiriiska ay amartay in lala wareego hantidooda, sidda uu wariyey bogga The Financial.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, xubnahaan oo ay kamid yihiin ajaaniib u badan Carab waxaa lala xiriirinayaa ururada Al-Qaacida iyo Daacish.

Magacyadda kale ee Soomaalida ah ee kasoo muuqdey liiskan waxaa kamid ah; Maxamed Cabdullaahi Ciise kaasoo lagu waramay in bishii April ee sanadkii 2009-kii in laga soo musaafuriyey gudaha wadanka Britain.

Warbixinta ma aysan fahfaahin hantida ay leeyihiin oo lagala wareegayo shaqsiyaadkan balse waxaa lagu eedeeyay in ay kooxahaan argagixisada ah u fidiyaan taageero dhanka maaliyada iyo sahayda ah.

Mr Aweys oo haatan xabsi guri ugu jira Dowlada Soomaaliya isla markaana dowladii milatariga korneyl ka ahaa ayay warbixintu sheegeysaa in uu u diiwaan-gishan yahay kooxaha hubeysan ee Daacish iyo Al-Qaacida.

Goobta uu kaga xiran yahay Muqdisho ayuu si joogta ah uga soo duubaa muuqaalo uu kaga hadlayo arrimaha taagan sidda siyaasada.

Mudadii u dhaxeysay June 2006 illaa September 2007, gudoomiyaha golaha dhexe ee Midowgii Maxaakiimta ayuu ahaa; July, 2008 wuxuu sheegtay madaxa ururkii Xisbul Islaam ee kasoo horjeeday dowladii ku meelgaarka.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2001-dii waxay 85-sano jirkaan ku dartay liisaska argagixisada caalamiga ah ee ay aadka u doon-dooneyso.

Bishii June ee sanadkii 2013-kii, Xasan Daahir Aweys waxaa laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo ay galbinayaan ciidamada dowladda kadib bilooyin uu baxsad ka ahaa maleyshiyadiisii hore Al-Shabaab.

GAROWE ONLNE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM