Haweenay laga soo qafaashay Kenya "oo lagu hayo Koonfur Galbeed"

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Haweenay 20-kii November ee sanadkii hore laga soo qafaashay gobolka waqooyi barri Kenya ayaa lagu hayaa degaanada Koonfur Galbeed, sidda ay qortay saxaafada maxaliga ah.

Silvia Romano, oo 24-sano jir ah isla markaana u dhalatay Talyaaniga, ayaa ka shaqeysa arrimaha bini’aadanimadda. Al-Shabaab oo sheegatay in ay afduubatay waxay codsaday lacag madax furasho ah.

Mas'uuliyiinta ayaa tilmaamay in Romano kolkii hore la geeyay degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose kadibna loosoo wareejiyo koonfurta Soomaaliya gaar ahaan maamulka xaruntiisa KMG tahay Baydhabo.

Dowladda Talyaaniga ayaa shaacisay in ay dedaal xoogan ugu jirto sidii ay u soo furan lahayd Romano, iyada oo waydiisatay saaxiibadeeda ku sugan dalka dhaca Geeska Afrika caawimaad ku aadan arrintaas.

Talyaaniga kuma lahan degaanada Koonfur Galbeed wax joogitaan ciidamo ah. Balse, Mareykanka, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa la filayaa in ay door muuqda ka cayaaraan soo furashadda haweeydaan.

Saxaafada maxaliga ah ee Talyaaniga ayaa qortay in Silvia Romano ay tahay "maxsuub siyaasadeed". Sababta ay Al-Shabaab ugu wareejineyso gobolo kala duwan ayey ku qeexeen "arrimo amni".

Xukuumadda Roma oo horey meesha uga saartay in ay madax furasho bixiso ayaa ku adkeystay in ay howlgal milatari lagu soo deynayo.

Baareyaasha Talyaaniga oo kiiska haweenaydaan si gaar ah isha ugu haya ayaa tibaaxay in xaaladeedu wanaagsan tahay. "Balse waxaa loola dhaqmayaan sidda maxbuus siyaasadeed iyo jaajuus," ayay raaciyeen.

Dhinaca kale, marka laga soo tago sheegashada warfidiyeenka gudaha Talyaaniga, mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo fursad ay uga jawaabaan uu siiyey mareega GO kama jawaabin.

Hadii la xaqiijiyo waxay ka macno tahay in ay meesha ka baxeyso mas'uuliyaddii ugu badneyd ee Kenya ka saarneyd soo furashada Romano, wallow ay kaalin ku yeelan karto maadaama dalkeeda lagu afduubtay.

Kenya ayaa nan joogitaan milatari kuma lahana Koonfur Galbeed. Balse maadaama ay xubin ka tahay howlgalka AMISOM, waxaa ku sugan ciidamo Itoobiya oo taliska hoostaga Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM