Haysom oo ka hadlay amniga Puntland, Xiisadda Tukaraq iyo dilalka Daacish ee Boosaaso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nickolas Haysom, oo Todobaadkii tagey dowladda Federaalka ku wareglisay inuu dalka isaga baxo ayaa ka hadlay amniga Puntland iyo weerarada Kooxaha argagaxisadda.

Haysom ayaa sheegay in khatarta Daacish ee kusii xoogeysanaya Puntland ay tahay mid halis ku ah amniga gobolka, oo horey u ahaa mid jilicsan oo Al Shabaab fara ba'an ku haysay, iyadoo weeraro ku qaadey saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolk Bari.

Daacish ayaa ku dishay Boosaaso dhowr ganacsade, si dadka cabsi ugu baareen oo u bixiyan lacago baad ah, oo ay canshuur ku tilmantay taasoo ay kusoo rogtay Ganacsatada magaalada dekadda leh ee Puntland.

Nickolas Haysom ayaa warbixintii dhawaan u jeediyay Gollaha Amaanka kusoo daray Puntland, oo uu sheegay inay Kooxaha argagxisada Al-Shabaab iyo Daacish awoodda isagu geynayaan inay la wareegaan goobo muhiim ah oo gobolka Bari ku yaalla.

Ergayg QM ayaa ku baaqay in laga hortago in Al-Shabaab iyo Daacish ay heleen illo dhaqaale oo ay u isticmalaan weeraradada argagaxisada ee ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhawaan dhowr jeer ku dagaalamay degaanada ku yaalla duleedka Qandalla ee gobolka Bari, iyagoo iska dilay xubno badan, waxaana dagaalkooda uu salka ku hayaa loolanka u dhaxeeya ee dhinaca qaadista lacagaha baada ah ee ganacsatada Boosaaso.

Amniga gobolka Bari ayaa faraha ka baxay mudadii shanta sano ee Xukuumadda Cabdiweli Gaas xafiiska joogtay, iyadoo ciidamada difaaca Puntland ay dhowr jeer sameeyeen gadood markii la siin waayay mashahaarka iyo xuquuqdooda kale.

Al-Shabaab ayaa weli ah khatarta ugu weyn ee dhinaca amniga ee xilligan ka jirta Somalia, inkastoo howlgallada socda ee lagu hayo kooxda argagixisada, haddana waxay awood u leedahay in ay weerarro aan kala sooc lahayn ku qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo inay beegsadaan ergooyinka doorashada, ciidamada ammaanka Somalia iyo AMISOM.

9-kii Nofembar, Al-Shabaab ayaa saddex gaari oo walxaha qarxa lagu soo xiray ku weerartay Hotel Saxafi ee ku yaalla Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan ku dhintay in ka badan 50 qof oo mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen.

Wuxuu kaloo sheegay Haysom in IGAD iyo UNSOM ay ku hawlan yihiin heshiisiinta Puntland iyo Somaliland si loo dhameeyo xiisadda Tukaraq oo loo helo xal waara.

Haysom ayaa la kulmay Cabdiweli Gaas iyo Muuse Biixi sanadkii tagey waxyar kadib markii uu la wareegay xafiiska UNSOM, isagoo labada dhinac ka dalbaday in qaab wadahadal lagu dhameeyo coladda ka dhaxeysa.

Puntland ayaa ku jirta marxlad doorasho, waxaana 8-da bishaan la filayaa in Xildhibaanada cusub ee Gollaha Wakiiladda ay doortaan Madaxweyne Cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM