Heshiiska doorashada 2020-21: "Darbi xanibay" yoolkii Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Heshiiska doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020-21 waa darbi is hortaagay yoolkii muddo kororsiga madaxda dowladda, sidda lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska afka dheer ee Al Ceyn.

Jaraa'idka ayaa tibaaxay in heshiiskaas ay kala saxiixdeen dowlada iyo maamulada kadib wadahadalo afar maalmood qaatay uu si gaar ah u xakameynayo damacii madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo ee dheereysiga ahaa.

Villa Soomaaliya oo kaashaneysa Golaha Shacabka ayaa "isku dayday in ay ku darsi sameyso, iyaddoo qorshahaas awgii meesha uga saartay ra'iisul wasaaraha, Xasan Cali Khayre, kaasoo dhankiisa ku dhawaaqay in uu iskiis isku casilay".

Is-afgaradkaas ka kooban 15 qodob waxaa ugu mudan in nooca doorashada noqoneyso degaan doorasho, in ay Xildhibaankii soo dooranayaan 101 ergo, in ay ka qabsoomeyso laba magaalo iyo in ay bilaabaneyso November.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda shanta maamul ee saxiixay heshiiska ayaa kalsooni fiican ka rajeeyay in heshiiska uu ku dhaqan-geli doono waqtiga loo mudeeyay lana soo dhisi doono guddiyo ka shaqeeya fulintiisa.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya labadiisa gole ayaa Sabtidii meelmariyey heshiiskaas, waxa kaliya ee haatan xigaya waa fulinta oo looga fadhiyo xukuumad uu soo dhisi doono ra'iisul wasaare Rooble.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ra'iisul wasaarihii 19aad, Xasan Cali Khayre iyo hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa soo dhaweeyay heshiiska, iyagoo ku baaqay in dhaqan-galka la guda-galo.

Beesha Caalamka oo durtay heshiiska ayaa carabka ku dhufatay inuu ka hooseeyo meeshii laga filayey madaxda Soomaalida oo ahaa in waddanka u dareero doorasho toos ah oo ay coddeynayaan dadweynaha.

Daneeyeyaasha caalamka gaar ahaan safaaradda wadanka Mareykanka ayaa riixayey qabsoomida wadahadalada, iyagoo ku boorinayey hogaamiyeyaasha in ay soo saaraan heshiis qaab nabad ah dalka uga saaraya mar-xalada kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM