Hindiya: Qoys reer Iran ah oo loo xiray dhaca Soomaali

Image

NEW DEHLI, India – Qoys reer Iiraan ah kana kooban sagaal qof, oo ay ku jiraan saddex haween ah, kuna nool Delhi ee Hindiya ayaa loo qabtay markii ay magaca "booliska dowlada dhexe ee India" ku dhaceen muwaadin Soomaaliyeed.

Dhibanaha, Cali Axmed Muxamed, 61 jir u dhashay Soomaaliya, ayaa magaalada u joogay daaweyn indhaha ah. Dhacdadu waxay dhacday maalinimadii Talaadada 13-kii Luulyo markii isaga iyo saaxiibkiis, Abdul Ahid, ay ku safrayeen gaari rakaab oo ay ka soo qaateen hoygooda oo ku yaalla Wadada Greams.

Markii ay gaareen wadada iskuulka xayeysiinta, gaari madow oo dhanka kasoo horjeedka ka yimaaday ayaa joojiyay baabuurka Muhamed abaare 2.30 pm. Saddex nin, oo gaariga ka degay, ayaa la sheegay inay dhibanayaasha u sheegeen inay ‘booliis dowladda dhexe’ yihiin ayna heleen xogo sheegaya in maandooriyaha ganja lagu dhex iibinayo gaariga.

Markii uu dhibbanuhu isku dayay inuu cadeeyo, sedexda dabley ayaa la sheegay inay boorsadiisii ​​qabteen oo ay kaxeysteen 3,800 oo doolarka Mareykanka ah iyagoon taaban lacagta Hindiya isla markiibana gaarigooda kaga baxsadey goobta.

Iyadoo lagu saleynayo cabashada dhibanaha, booliska Kun Laydh ayaa diiwaan galiyay kiiska waxayna bilaabeen ugaarsi ay ku goobayaan burcadda kaashanayana muuqaalada CCTV.

Koox gaar ah oo uu hogaaminayo Kaaliyaha taliyaha booliska xaafada Nungambakkam ee magaalada Chennai oo dhacdada laga soo wariyey, Ravi Abiraam. ayaa ku raad-jooga tuhmanayaasha laga soo qabto magaalada Kovalam.

Si kastaba ha noqotee, guriga laga soo xiray waxaa ku sugnaa lix nin, seddex haween ah iyo seddex caruur ah oo da'doodu tahay 2, 8 iyo 9 sano jir. Dhammaantood waa la hubiyay oo baaritaan ayaa lagu ogaaday in ay yihiin burcadda u shaqeyso sidii qoys oo ay u soo guureen Chennai bil ka hor iyaga oo ka yimid Delhi si ay u geystaan dhac. “Burcadda mar hore ayaa loogu qabtay Bengaluru fal-dambi la mida kan,” ayuu yiri sarkaal.

Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Sabir Ali (35-jir), Syavash Dinarvand (26-jir), Rostam Seidi (28-jir), Behruz Ali (35-jir), Purush Ali Bana (56-jir) iyo Binyamin (19-jir) iyo saddex haween kale oo u dhashay Iiraan.

Booliisku waxay sheegeen in qoysku degenaa Delhi ugu yaraan toban sano ka hor, in kasta oo ay sheeganayaan inay u guureen caasimadda qaranka sannadka 2019. Baaritaano dheeri ah ayay wajihi doonan si loo xaqiijiyo in ay dambi kale galeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM