HirShabelle oo ayiday baaqii Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya

Image

JOWHAR, HirShabelle - Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa taageeray baaqii guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ee ku saabsanaa in ay maamuladda iyo xukuumadda ka heshiiyaan doorashooyinka.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu caddeeyay in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka shir-madaxeedkaas oo loo muddeeyay kahor 25-ta bisha June ee sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

"Waxaan aaminsanahay in wadahadal iyo is-afgarad kaliya looga bixi karo xaaladaha na horyaala," ayaa la raaciyey qoraalka oo lagu xusay in Senate-ka uu metelo danaha dowlad goboleedyadda xubinta ka ah federaalka.

HirShabelle ayaa kamid ahayd maamuladii aadka ugu dhowaa Madaxtooyadda Soomaaliya. Balse, ma cadda hadii uu jiro ismaandhaaf hoose. Puntland iyo Jubbaland waxay kol hore soo dhaweeyeen go'aanka Aqalka Sare ee dalka.

Xisbiyadda mucaaraadka Soomaaliya ayaa dhankooda bogaadiyey, waxayna ugu yeereen gudoonka Golaha Shacabka in uu qaado mowqif noocaas ah isla markaana uusan xigsan dhanka Hay'adda Fulinta ama xukuumadda.

Sikastaba, madaxweynaha oo cadaadiska uu kusii kordhayo ayay haatan u muuqaneysaa in ay kusoo biyo shubatay isla markaana ay hortaalo shaqadda ugu badan oo ay ugu horeysay in uu ogolaado ama diido wadahadalkaas.

Farmaajo oo mudda xileedka uu gabaabsi ka yahay ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in uu doonayo muddo kororsi, isagoo qiil ka dhiganaya qabashada coddeyn qof iyo cod ah oo maamuladu ku adkeysteen in aysan qabsoomi karin.

Hoos ka akhriso qoraalka HirShabelle

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM