HirShabelle oo beenisay warar laga faafiyey shirkii Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Maamul goboleedka HirShabelle ayaa wuxuu waxba kama jiraan ku sifeeyay in shilkii diyaaradeed ee 14-kii bishan July sanadkan 2020 ka dhacay garoonka Beledwayne uu sababay Dameer.

Cali Jayte Cismaan, gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee hoostaga maamulkaas kamida federaalka Soomaaliya, ayaa xusay in aysan suurtagal ahayn in madaarka soo galo Dameer maadaama Silig ku wareegsan yahay.

Isagoo war-fidiyeenka kula hadlay gudaha xarunta gobolka, Cali ayaa tibaaxay in shilka uu ka dambeeyay markii duuliyaha diyaarada uu ku dhacay carro tuur loo diyaarinayey in lagu hagaajiyo garoonka Ugaas Khaliif.

"Waa waxba kama jiraan in shilku sababay Dameer. Meel uu kasoo galo ama kaga baxo ma jirto, sababtoo ah silig ayaa kuwada wareegsan. Duuliyaha oo cilad ay haleeshay markii uu ku dhacay carro tuur ayaa sababay shilka. Carada waxaa loo dhigay habeenkii baa roob ku da'ay garoonka," ayuu xusay, isagoo aan caddeyn hadii xaqiiqadan lagu ogaadey baaritaanka dowladda.

Wasaarada Duulista Hawada Soomaaliya oo albaabada u laabtay garoonka kadib shilkaas ayaanan soo bandhigin natiijada baaris ay tilmaamtay in ay ku bilowday sababta ka dambeysay shilkaas burburka sababay.

Hadalka maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka dambeeyay markii maareeyaha diyaaradda shilka ku lug-yeelatay oo laga leeyahay Kenya uu shaaciyey in Dameer soo galay dhabaha diyaarada uu shilku ka dambeeyay.

Duulimaadkaas burburay balse aan geysan khasaaro maaliyadeed ayaa ka yimid Jabuuti, waxaana uu sahay iyo gargaar cunto ah uu u waday ciidamada AMISOM iyo shacabka magaalada dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM