Hogaamiyaasha Al Shabaab oo ka cararaya Duqeymaha Mareykanka

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xubno kamid ah Al Shabaab oo saraakiil ay kamid yihiin oo kasoo cararay duqeymaha Mareykanka ay u baxsadeen gobollada dhexe.

Taliyaha qeybta 52-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in Al Shabaab-ka oo kasoo cararay duqeymaha ka socda Koonfurta Soomaaliya ay soo gaaareen gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Wuxuu sheegay in meelaha ay kasoo qaxeen dagaalyahanada Al Shabaab ay kamid yihiin Gedo, Shabeellaha hoose iyo Jubbooyinka waxayna u baxsanayaan deegaan ay kamid yihiin Ceel-Dheer, Xarar-dheere iyo goobo kale oo keymaha gobollada dhexe ku yaalla, si ay halkaasu ugu dhuuntaan.

"Hogaamiyaasha sare ee Al Shabaab qaarkood waxay kasoo wareegteen deegaanada xeebta ku yaalla sida Ceel-Dheer iyo Xarardheere waxayna isku dayayaan inay usii gudbaan buuraha Galgala," ayuu yiriTareedisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay u diyaargaroobeen inay la dagaalamaan Al Shabaab-ka baxsadka ah ee ku qulqulaya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, isagoo ka codsaday shacabka inay gacan siiyaan.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump bixiyay ogaalaanshaha kordhinta Duqeymaha Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkan, ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala Africa ee [AFRICOM] waxay fuliyeen weerarka badan oo lagu dilay boqolaal katirsan Al Shabaab.

Todobaadkii lasoo dhaafay AFRICOM ayaa sheegtay in Diyaaradaha Mareykanka ay 100 dagaalyahan oo Al Shabaab ahaa ay ku dileen duqeyn ay la beegsadeen goob ay ku tababaranayeen oo ku taalla duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM