Hogaamiyaasha Al Shabaab oo ka cararaya Duqeymaha Mareykanka

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xubno kamid ah Al Shabaab oo saraakiil ay kamid yihiin oo kasoo cararay duqeymaha Mareykanka ay u baxsadeen gobollada dhexe.

Taliyaha qeybta 52-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in Al Shabaab-ka oo kasoo cararay duqeymaha ka socda Koonfurta Soomaaliya ay soo gaaareen gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Wuxuu sheegay in meelaha ay kasoo qaxeen dagaalyahanada Al Shabaab ay kamid yihiin Gedo, Shabeellaha hoose iyo Jubbooyinka waxayna u baxsanayaan deegaan ay kamid yihiin Ceel-Dheer, Xarar-dheere iyo goobo kale oo keymaha gobollada dhexe ku yaalla, si ay halkaasu ugu dhuuntaan.

"Hogaamiyaasha sare ee Al Shabaab qaarkood waxay kasoo wareegteen deegaanada xeebta ku yaalla sida Ceel-Dheer iyo Xarardheere waxayna isku dayayaan inay usii gudbaan buuraha Galgala," ayuu yiriTareedisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay u diyaargaroobeen inay la dagaalamaan Al Shabaab-ka baxsadka ah ee ku qulqulaya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, isagoo ka codsaday shacabka inay gacan siiyaan.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump bixiyay ogaalaanshaha kordhinta Duqeymaha Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkan, ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa ka howlgala Africa ee [AFRICOM] waxay fuliyeen weerarka badan oo lagu dilay boqolaal katirsan Al Shabaab.

Todobaadkii lasoo dhaafay AFRICOM ayaa sheegtay in Diyaaradaha Mareykanka ay 100 dagaalyahan oo Al Shabaab ahaa ay ku dileen duqeyn ay la beegsadeen goob ay ku tababaranayeen oo ku taalla duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ahmed Madobe oo sheegay in sirdoonka Jubaland uu ka sarreeyo NISA

Hadalkan ayaa ku soo aadaya toddobaadyo kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Kismaayo.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 06:34PM

Lafta-Gareen oo u diiday wafdi Mucaarad ah inuu tago Baydhabo iyo xiisad taagan

In kasta oo maamulka Koonfur Galbeed aanu weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha loo jeediyay, haddana waxaa soo baxaya xiisado.

  • Soomaliya

    21-10-2025

  • 01:04PM