Abuu Cubeyda oo markii ugu horeysay shaashadaha kasoo muuqanaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda] ayaa markii ugu horeysay shaashadaha kasoo muuqan doona, sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdaas.

Abuu Cubeyda ayaa horey waxaa looga bartay in uu soo duubo codad, isaga oo kaga hadlay xaaladaha kala duwan ee ka jira guud ahaan dalka iyo ururkiisa dhexdiisa.

Waaxda Warfidiyeenka ee xoogaga lagu eedeeyay weerarkii ugu dhimashada badnaa taarikhda casriga ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhowaan baahineyso muuqaal uu ku jiro Abuu Cubeyda.

Tani ayaa waxay kusoo aadeysa xili ay jiraan sheegashooyin ku saabsan caafimaadkiisa oo shaki badan laga muujinayo ayna tahay mid aad u liidata.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa haatan maamusha qaybo badan oo kamid ah gobolada Soomaaliya.

Jilib, xarunta gobolka Jubadda Dhexe, waa fariisinkeeda ugu weyn oo ay ku sugan yihiin horjoogeyaasha, waana halka laga soo abaabulo duulaanada waaweyn.

Codkii ugu dambeeyay ee uu soo duubay, Abuu Cubeyda ayaa waxa uu kaga hadlay kiiska badda ee u dhaxeeya dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa in ay xukun ku rido gal-dacwadeedkan, wallow ay kooxdu sheegtay in aysan aqoonsan doonin.

Gal-dacwadeedka oo taagan iyo bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad dabiici ah kuna taala xadka labadda dal.

Mareykanka ayaa sanadkii 2014-kii wuxuu duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday waqoyga Soomaaliya, ku dilay aas-aasihii Al-Shabaab, Axmed Godane.

Xukuumadda Washington ayaa horey madaxa Abuu Cubeyda u dul-dhigtay aduun lacageed dhan lix milyan oo Doollar, taas oo la siin doono qof walba oo haya isla markaana keena macluumaad lagu khaarijin karo.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, muuqaalka cusub ayaa ku saabsan weerarkii u dambeeyay ee lagu qaadey xerada Balidoogle, waxaana Abuu Cubeyda uu ka faaloon doono macluumaad la xiriira gulufkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM