Hogaamiye laga dilay Al-Shabaab oo lasoo bandhigay magaciisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in Isniintii ay howlgal qorsheysan ku dileen shan dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo uu kamid yahay sarkaal sarre.

Howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay kadib xog ay ciidamadu ka heleen dadka degaanka, sidda uu ka dhawaajiyey Maxamed Isaaq Cali, oo ah guddoomiyaha magaalada Berdaale.

"Iska hor-imaad ayaa dhacay, balse waa loo awood sheegtay argagixisada. Shan kamid ah oo uu ku jiro Ibraahim Macalin Cabdi, oo ah hogaamiye sarre una qaabilsanaa Qansax dheere, Berdaale iyo Awdinle ayaa lagu dilay dagaalka," ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed oo saxaafada la hadlay.

Sidda laga soo xigtay mas'uulka, ciidamadda ayaa si wadi doona ololaha ay ku baacsanayaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Gobolada dhaca koonfurta Soomaaliya waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey dagaalo u dhaxeeya ciidanka iyo Al-Shabaab.

Dhaqdhaqaaqyadda ayaa xoogeystay ka gedaal markii maleeyshiyaadka ay weeraro culus ka fuliyeen magaala madaxda Muqdisho.

Inta badan kooxaha hubeysan ayaa xoojiya dhaqdhaqaaqyadooda marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka dowladda iyagoo isku dayaya in ay wiiqaan xasiloonida si ah khal-khal u geliyaan nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM