Hogaamiyihii Daacish ee Koonfurta Soomaaliya oo nolosha lagu qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa gacanta ku dhigtay madaxii kooxda Daacish ee koonfurta Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay hay'adaha amniga.

Cabdiqani oo magacyo kale looga dhex-yaqaano kooxdaas ayaa la tilmaamay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamaddu ka fuliyeen degmada Howlwadaag, taariikhdu markii ay ahayd 12-ka April, 2020-ka.

Howlgalkaas oo sababay iska hor-imaad waxaa lagu dhaawacay mid kamid ah dableydii la socotay, waxaana hay'adaha nabad-gelyadda la sheegey in ay hayeen macluumaadka Cabdiqani iyo xubnihii wehliyey.

"Waxay damacsanaayeen in falal liddi ku ah ammaanka ay ka fuliyeen caasimadda, waxaana ka hortegay ciidamadda," ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday.

ISIL ayaa ku dhuumaaleysata buuraleyda Golis ee Puntland, balse sanadihii u dambeeyay waxay qorsheysay in ay fariisimo iyo dagaalameyaal ay ku yeelato Muqdisho si ay u balaariso howlgaladeeda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa horey u soo qabtay xubno ka tirsan maleeyshiyaadkaas uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin, oo kasoo goostay xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ku xoogan koonfurta Soomaaliya. Amiirkooda waa Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, kaas oo cod uu soo duubay sanadkii hore xili ay jireen warar isa soo taray oo sheegay in uu caafimaadkiisa aad u liito.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM