Hogaamiyihii kooxda Macawisley oo lagu dilay Dagaal ay la galeen Al-Shabaab

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Koox la magac-baxday Macawisley, oo ka kooban dad shacab ah oo is abaabuley ayaa dagaal kula galay Al Shaabab degaanka katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Dagaallo Kooxdan kula galeen Al Shabaab Tuulooyinka Daarusalaam iyo Bur-Dacar, oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa looga dilay hogaamiyahoodii iyo ku xigeenkiisa, oo lagu kala magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar iyo Nuur Cali Junbur.

Tuulooyinka ay dagaalladu ka dhaceen ayaa xaaladoodu wali kacsan, iyadoo ay gaareen ciidamo ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo taageero siinaya Kooxda Macawisley ee dagaalka kula jirta Al Shabaab.

Hogaamiyaha Macawisley, Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii, Nuur Cali Junbur ayaa lagu dilay weerar rogaal-celis ah oo shalay Al Shabaab kusoo qaadey degaanadii Axadii laga saarey oo ku dhaw Aadan Yabaal, kaasoo Al Shabaab looga dilay 4 xubnood.

Dadkan shacabka ah ayaa is abaabulay, isna hubeeyay kadib markii Al Shabaab ay kusoo rogtay amaro culus, oo ay kamid yihiin inay si qasab ah ku bixiyaan xoolo ay ku sheegeen Zako iyo dhaqaale ay ku dagaal galaan.

Al-Shabaab oo mudo 10 sano ah dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, ayaa la rumeysan yahay in dhaqaalaha ay ku howlgasho ay ka hesho dadka ku nool degaanada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM