Soomaaliya: Shaki la geliyey nolosha Ikraan Tahliil Faarax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha guud ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa wajahaya cadaadis culus oo ku saabsan in uu caddeeyo halka ay ku maqan tahay Ikraan Tahliil Faarax.

Gabadhan 23-sano jirka ah kana tirsan madax qeybeedyada hay'adda NISA ayaa qoyskeedu sheegeen in xiriirkeeda ay waayeen 26-kii June, 2021 taasoo waqti xaadirkan laga joogo ku dhowaad hal bil.

Sida laga soo xigtay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka, Ikraan waxaa "qorshaha lagu dilayo uu Fahad Yaasiin ku bixiyey aduun lacag kumanaan doolar-ka Mareykanka".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri "Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!".

Kulane waa ku xigeenka Fahad Yaasiin, halka Yaasiin Farey uu yahay madaxa sirdoonka gobolka Banaadir, waxaana uu horey u soo noqdey taliyaha ilaaladda gaaska ah ee wariyihii hore ee TV-ga Al Jazeera.

"Ikraan oo dalka ka maqneyd markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!," ayuu raaciyey Mahad.

Sharci-dejiyaha oo laga soo doorto degaanadda Galmudug ayaa daaha ka rogay in Yaasiin Farey uu ahaa "qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeedu!".

"Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu AlShabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan," ayuu ka dhawaajiyey.

Illaa hadda ma cadda sababta loo beegsaday Ikraan. Hase ahaatee, waxaa jira warar is-khilaafsan. Dad qaar waxay sheegayaan in ay wax ka og-tahay dilkii Yariisow iyo askarta loo diray waddanka Eritrea.

"Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!," ayuu tibaaxay Mahad Salaad.

Wuxuu kusoo xiray: "Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay  qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!".

Hadalka Mahad Salaad wuxuu khilaafayaa dhawaq horey uga soo yeeray saraakiil qaarkood horey madax uga soo noqotay NISA kuwaasoo tibaaxay in aysan nolol iyo geer ku xaqiijin karin nolosha Ikraan.

Sikastaba, Ikraan Tahliil oo NISA ku biirtey April, 2017-kii ayaa markii ugu dambeysay waxay ahayd madaxa ammaanka internet-ka ee NISA. Sidoo kale, waxay horey u soo noqotay madaxa waaxda arrimaha bini'aadanimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM