Hoobiyeyaal lagu weeraray xeradda Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar ayaa waxay sheegayaanin Arbacada maanta ah weerar loo adeegsaday madaafiic lagu qaadey xerada Xalane ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa aalaaba looga bartay ficiladda noocaan ah oo ka dhaca caasimadda.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo kusoo hagaagay xilli qorshuhu yahay in Muqdisho uu dhowaan shir ku dhexmaro madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu weerarkan imaanayaa xilli ciidamo horudhac u ah wafdiga madaxweynaha Jubaland ay maanta kasoo dageen garoonka Muqdisho, dhigiisa Puntland kusoo wajahan yahay.

"Illaa shan ama lix madfac ah ayaa kusoo dhacdey Xalane oo qeyb ka ah xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde," ayuu yiri qof ku sugan madaarka oo la hadlay Garowe Online.

Xerada Xalane ayaa ah fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta wadamada caalamka u jooga Muqdisho, waxaana ay halkaas u degan yihiin sababo dhanka ammaankooda ah.

Shirka dhexmaraya dowladda federaalka iyo maamuladda oo xal loogu goobayo is-faham-waaga dhanka doorashooyinka ayaa ku qabsoomayo Teendhadda Afasiyooni.

Teendhadaas oo loo xushay sababo dhanka ammaanka ah oo ka qeybgaleyaasha qaarkood muujiyeen waxay kamid tahay xeyndaabka Xalane waxaana amnigeeda suga AMISOM.

Bishii April 26-keeda sanadkii lasoo dhaafay 2020 ayay ahayd markii Al-Shabaab ay madaafiic ku garaacdey Xalane. Wararku waxay xusayaan in madaafiicda ku dhaceen guryo rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM