Hoos u dhac ku yimid tiradda askarta ku biireysa ciidamada Danab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoos u dhac ayaa ku yimid tirada xubnaha cusub ee ku biiraya kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo uu Mareykanku tababaro, sidda uu ku waramay bogga Military Times.

Miguel Castellanos, ku xigeenka agaasimaha howlgalada AFRICOM, oo u waramay mareegaas ayaa xaqiijiyey xaqiiqadda warkaas.

Castellanos ayaa sababta ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay caqabad kala kulantay in ay hesho "askarta ku haboon" in ay ku biiraan guutadaas.

Sababaha kale waxaa kamid ah xukuumada oo bilooyinkii lasoo dhaafay diirada saarin amniga ama dagaalka Al-Shabaab, sidda uu ka dhawaajiyey Miguel Castellanos.

"Waxaan u maleynayaa in hoos u dhaca ay qeyb ka tahay dowlada oo ciidamada aan siin wax dhisme ah," ayuu raaciyey, isagoo u muuqda mid eedeynta ka bari-yeelaya taliskooda.

Kumaandooska Soomaaliya oo la aas-aasey 2013-kii ayaa haatan la aaminsan yahay in tirro ahaan ay gaarayaan sideed boqol illaa iyo saddex kun oo ciidamo ah. Qalabkooda wali lama tirakoobin.

Hadafka ugu weyn ee loo aas-aasey waxaa lagu macneeyay in ay mas'uuliyadda howlgalada gaarka ah kala wareegeen dhigooda Ameerikaanka maadaama ay iyagu kala garanayaan dhulkooda.

Fariisinkooda weyn waa xerada Balidoogle, wallow qaarkood tababaro kala duwan lagu soo siiyo qaar kamida dalalka deriska. Shirka Bangaraaf ayaa maamusha diiwana-gelinta askarta cusub.

Guutada Danab, inkastoo magac ahaan ay hoostagaan Taliska Ciidamada Soomaaliya, hadana waxay amarka ka qaataan saraakiisha Mareykanka. Intaas waxaa wehlisa in ay gunadooda bixiso Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM