"Horjoogeyaal" lagu dilay duqeymo looga jawaabayo qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeymo looga jawaabayo ismiidaamintii Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho ayaa lagu waramay in ay ka dhaceen degaano kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya.

Ku dhowaad 100 ruux oo badankooda shacab ahaa ayaa ku naf-weyday qaraxii Sabtidii, kaasoo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ah ayaa shaaca ka qaadey in duqeyn cirka ah ka oo dhacday gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal sarre kana tirsanaa Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Muqdisho ayaa lagu sheegay weerarka dhanka hawada ay qayb ka ahaayeen Ciidamadda Mareykanka.

"Howlgalka wadajirka ah ayaa laga fuliyey nawaaxiga degaanka Kuunya Barow," ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu xusay in duqeynta ay maanta dhacday.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaanan lagu soo bandhigin magaca horjoogaha la tilmaamay in khaarijiyey.

Fahfaahinta laba duqeyn kale ayaanan wali la helin. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan dhacdadooyinkan oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Bishaan December 17-keeda ayay ahayd markii duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey degaanka Dujuuma ee gobolka Jubada Dhexe lagu naf-gooyey dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgaladan ayaa kordhinaya in ka badan 50 duqeymo cirka ah oo Mareykanka uu kaliya sanadkan 2019 ka fuliyey goboladda Soomaaliya, waana in ka badan tiradda uu 2018-kii uu qaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM