Howlgal Al-Shabaab xubno badan looga dilay oo ka dhacay Shabeellaah Hoose

Image

QORYOOLEY, Soomaaliya - Sarkaal katirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in 35 xubnood oo katirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgal ciidan oo ka dhacay degmada Qoryooley, oo 120-KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Cabdi Axmed oo ah ku xigeenka gudoomiyaha Qoryooley, ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMOSOM iska caabiyeen weerar Al Shabaab kusoo qaadey saldhigyadooda, islamarkaana khasaaro ku gaarsiiyeen dagaal dhexmaray.

Hal Askari oo Soomaali ah ayaa ku dhintay, labo kalena way ku dhaawacmeen iska hor-imaadka kaasoo ahaa mid culus oo khasaarooyin kala duwan labada dhinac kasoo kala gaarey, sida uu tilmaamay Cabdi Axmed.

"Waxaan helnay xog sirdoon oo ah in argagaxisada qorsheynaysaan weerar ay nagu soo qaadaan, kadibna si aad ah ayaan ugu diyaar garownay duulaanka, waana ku jebinay, iyadoo laga dilay 35 dagaalyahan," ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Qoryooley.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarka Qoryooley iyo sheegashada mas'uulkan. Degmada Qoryoleey ayaa tan iyo markii ay gashay gacanta dowladda 2014, ayaa waxaa ka dhacayay weeraro joogto ah, oo Al Shabaab kusoo qaadeysay.

Laakiin, waxay kooxdan sheegatay inay weerar hoobiye-yaal ah ay ku qaadey saldhigyo military oo ku yaalla duleedka degmada Baraawe, isla gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo aysan sheegin khasaarha ka dhashay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM