Howlgalka Badweynta Hindiya oo ku wajahan Baraawe

Image

Isniin, September 1, 2014 [GO] Ciimadda AMISOM & kuwa DF ayaa ku wajahan Degmada Baraawe oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda Al-Shabab ka dib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay la wareegeen degmooyin muhiim ah.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada hoose Cabdiqaadir Maxamed Siidii ayaa sheegay saacadaha soo socda inay gaarii doonaan Baraawe oo xudun ah kooxda wuxuna tilmaamay halkaasi inay warbaahinta kula hadlayaan.

''Qorshaheena wuxuu cuskan doonaa ilaa xadka aan la leenahay Jubbadda dhexe oo ah halka loo yaqaan Xaramka,halkaasna ayaa caga dhigan doonaa saacadaha soo socdaha. Sidoo kale shir jaraa'id ayaan ku qaban doonaa Baraawe," sidaas waxaa yiri Siidii. 

Kuntuwaarey  iyo Buulo-mareer ayay ciidanku kala wareegaan kooxda inkastoo Kuntuwaarey uusan ka dhicin wax dagaal ah waxaase lagu soo waramayaa Qoysas faro badan inay ka barakaceen.

Qorshaha howlgalka Badweynat Hindiya ayaa salka ku haya sidii Al-Shababa looga qabsan lahaa magaalooyinka xeebaha leh ee Somalia.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM