Hub iyo ciidamo fara badan oo "laga soo gudbiyey" xuduudaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hub iyo ciidamo fara badan ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay laga soo gudbiyey xuduudka Soomaaliya, sidda uu ka dhawaajisay Madasha Xisbiyadda Qaran oo digniin culus kasoo saartay arrintaas.

Cabdirisaaq Axmed Shoole, afhayeenka madasha oo u waramay VOA-da, ayaa daboolka ka qaadey in ciidamadan iyo hubkaan lagu daad-gureeyay degaanadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo gobolka Gedo.

Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in ciidamadan oo badankooda ah Itoobiyaan ay wateen dareeska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Illaa iyo haatan ma cadda ujeedada waddanka loosoo geliyey hubka iyo ciidamadda, balse mucaaraadka wuxuu ka muujiyey walaac.

"Hubkaas xogaha aan hadda annaga helayno xuduudahaa laga soo geliyey, waxaana la socday ciidamo ku labisan astaanta AMISOM, waxaana la keenay gobolada Gedo, Baay iyo Bakool. Hubkaas tiradiisa iyo noocyadiisa annaga ma ogaan karno, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika waxaa laga rabaa in uu la socdo dhaqdhaqaaqa hubka dalka soo galaya," ayuu caddeeyay, isagoo duray dhexhdexaadnimadda Francisco Madeira.

Walwalka wuxuu cirka isku sii shareeyay ka gedaal markii horaantii bishaan ay ciidamo Itoobiyaan balse lasoo wariyey in aysan kamid ahayn AMISOM ay diyaarad rakaab ah kusoo direen magaaladda Berdaale.

"Waxaan maqli jirnay maleeyshiyaad aan heybtooda la aqoonin, maanta markaa ciidamo shisheeye oo aan heybtooda la garaneyn ayaa waxaas sameeyay looma dulqaadan karo, arrintaas ayaa walaaca abuurtay," ayuu xusay.

Inkasta oo xisbiyadda mucaaraadka ay su'aal geliyeen doodaas, saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in askarta ay qayb ka yihiin olole balaaran oo la doonayo in Al-Shabaab looga xoreeyo gobolka Jubadda Dhexe.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in mudadii ay jirtay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo uu hoos u dhacay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Villa Soomaaliya ayaa wajaheysa eedeyn la xiriirta isku dayo ay ciidamadda shisheeye ugu adeegsaneyso siyaasiyiinta kaga aragtida duwan hogaaminta dalka, talaabadaas oo laga digay in ay sababi karo isku dhacyo hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM