ICJ: Waa qasab in ay hirgalaan go’aanadda aan soo saarno

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa shaacisay in ay "qasab tahay" in ay hirgalaan go’aanadda ay soo saarto xili lagu wado in ay xukmiso dacwadda badda ee dhextaala Soomaaliya iyo Kenya.

Kiiskan oo taagan tan iyo bishii August 2014-kii xiligaasi oo ay dowladda federaalka ah gudbisay ayaa ku saleysan goob badkeeda lagu sheegay 100 KM oo ku taala xuduud badeedka dalalkan deriska ah.

Goobtaasi ay muranka gelisay Kenya ayaa waxay hodan ku tahay noocyo kamid ah kheyraad dabiiciga ah, sidda Shidaalka iyo Gaaska naqaska ah.

Bisha September ee sanadkan 2019 ayey ICJ dib u bilaabeysaa dhageysiga gal-dacwadeedka iyadda oo xukuumadda Nairobi ay horey ula tagtay doodo ku aadan in Maxkamaddu aysanba qaadi karin dacwadda.

Xukuumadda Uhuru Kenyatta oo u han-qaltaageysa tan iyo bilowgii kiiskan in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo ayaa waxaa hoos u dhigay dalabkaasi Muqdisho oo ku adkeystay in ay ka dhowr-sugeyso xukunka Maxkamada.

Kadib dhageysiga bisha September, maxkamadda ayaa la filayaa in ay soo saarto xukunka ugu dambeeya, balse dowladda Kenya waxay bilowday olale ay isku dayeyso in ay ku wiiqdo go’aankaasi kahor ama kadib.

Hasa ahaatee, madaxweynaha xeer-beegtadda caalamiga ah ICJ, Cabdiqawi Axmed Yuusuf, ayaa meesha ka saaray in daaqada laga saari karo xukunadda ay ridaan, isaga oo sharaxaad ka bixiyey sababta.

"Annagga go’aanayadda, qasab waaye in la hirgeliyo, maxaa yeelay Maxkamadii Cadaaladda Aduunyadda ayaanu nahay," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey muuqaal-baahiyaha Universal Tv.

Qareenkan asal ahaan Soomaaliga ah ayaa wuxuu sidoo kale ka jawaabay mid kamid ah doodaha Kenya ee "sharci daradda ka dhigaya" in ICJ ay qaado kiiskan, isla markaana ay go’aan kasoo saarto.

"Sidaasi darteedna ayey muhiim u tahay in dowladuhu ay horey u aqbalaan awooda ay Maxkamadu leedahay iyo in Maxkamadu ay geli gadho murunada iyo khilaafaada dowladaha dhex-yimaada," ayuu raaciyay.

Olalaha uu horkacyo Kenyatta ayaa waxaa qayb ka ah helitaanka kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, taasoo faa'iido dheeri ah siineysa Kenya.

"Dowladaha na-hor-yimaada waa kuwa aqbalay awooda Maxkamadda, soo goosteyna inay Maxkamadda hor-yimaadan, go’aanka Maxkamaddana waa ay fuliyaan, mana dhacdo in go’aanadeena aysan fulin," ayuu tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM