IGAD oo baaq u dirtay dhinacyada "kala aragtida duwan" ee Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu war-saxaafadeed uu kasoo saarey doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka ee Jubbaland.

Bayaanka ayaa wuxuu soo baxayaa kadib markii Khamiista maanta ah uu ergayga ururkan uu soo gabagabeeyay socdaal xaqiiqo raadin ah oo Kismaayo ku tegay.

Maxamed Cali Guyo oo xarunta gobolka Jubadda Hoose tagay 4-tii bishan August ee sanadkan ayaa la kulmay dhinacyadda ku lugta siyaasadda Jubbaland.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, IGAD ayaa hoosta ka xariiqday in doorashadda Jubbaland ay muhiim u tahay geediga Soomaaliya ee nabad iyo xasilooni.

"IGAD waxay xoojineysaa baahida loo qabo doorasho xor, xalaal ah, lagu kalsoonan karo, dhexdhexaad ah nabad ahna," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu arkay GO.

IGAD ayaa waxay intaasi raacisay in si lamid ah loo baahan yahay in doorashadda ay noqoto mid waafaqsan dastuurka qabyadda ah ee dalka iyo kan maamulka.

"IGAD waxay ugu baaqeysaa hogaanka iyo dadka Jubbaland in ay ilaashadan wada noolaashiyahooda iyo is-texgelinta bulshadda," ayaa lagu xusay.

Ugu dambeyntii, dhinacyadda kala duwan ee feker ahaan is-khilaafsan kuwaasoo daneynaya doorashadda Jubbaland ayaa lagu booriyey wada xaajood.

"Waxaan ku boorineynaa dhinacyadda kala aragtida duwan in ay ku xaliyaan iyaga oo maraya wada hadal," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Dhawaqa kasoo yeeray IGAD ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo murashaxiinta mucaaradka ay sameysteen guddi doorasho, kaasoo ka kooban 11 xubnood.

Siyaasiyiintan ayaa shaaciyey in ay kasoo horjeedan guddi maamulaya doorashadda oo uu magacaabay Axmed Madoobe oo murashax ah, kaasi oo ay shaki ka muujiyeen.

Doorashadda Jubbaland ayaa loo balansan yahay bishan August, waxaana muuqanaya wejiyo cusub oo ay galeyso siyaasadda dowlad goboleedkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM