IGAD oo shaacisay mowqifkeeda mar-xalada kala guurka Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxay faafisay war-saxaafadeed ay sheegtay in uu kasoo baxay shir ay yeesheen hogaamiyeyaasha wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD.

Sidda ku cad bayaanka, ururka ayaa ugu baaqay dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya in ay gaaraan wadar-ogol ku saabsan doorashooyinka heerka qaran ee soo aadan.

Cabdinuur Maxamed Axmed, afhayeenka madaxweynaha ahna agaasimaha guud ee warfaafinta Villa Soomaaliya, ayaa sheegay in shirka lagu taageeray doorashooyinka qof iyo cod ee dalka.

Hoos ka akhriso bayaanka

Waxa uu shirku xusey doorashooyinka heer federaal ee soo wajahan, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dan-wadaagta Soomaaliya ay muhiimadda saaraan danaha dadka Soomaaliyeed, iyaga oo u maraya in ay gaaraan wadar-ogol ku saabsan doorashooyinka soo socda.

Shirku wuxuu dhiirigaliyay horumarka Dowladda Federaalka ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah, waxaana lagu booriyey dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb qaataan habkan taariikhiga ah ee Soomaaliya.

Waxa uu shirka soo dhoweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka sidii loo gaari lahaa wax la’isku waafaqsanyahay , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran;

"Waxaan bogaadinaynaa wadaxaajoodka socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ay garwadeenka ka yihiin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isulwasaarae Abiye Axmed, waxaanan rajaynaynaa in ay nasoo gaaraan warbixinada ku saabsan horumarka ay guddiyada farsamo ka sameeyeen wadahadalka ee ku aaddan xal waara".

Waxa uu shirka boggaadiyay AMISOM, dalalka ay ciidamada ka yimaadeen iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, khatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyaga oo si joogto ah uga awood roonaada ururada argagixisada ah iyo kooxaha dambiyada abaabulan, iyada oo la isla xusey in Ciidanka Xoogga Dalka uu mas’uuliyadaha sugista Amniga la wareegay, iyaga oo door hormuud ah ka qaatay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay badqab ugu noolaan lahaayeen.


War-murtiyeedkan ayaa kasoo baxay meertada 36-aad ee shir madaxeedka IGAD kaas kaasoo ku qabsoomay hanaanka fogaan aragga ah ee maqal iyo muuqaalka, iyaddoo madaxweyne Farmaajo ka qeybgalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM