Ilaalada Xalane, Hay'adaha UN-ka iyo Garoonka Aadan Cadde oo heegan la geliyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waaxda amniga qaabilsan ee xeradda Xalane iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa lagu soo waramayaa inay heegan sarre geliyeen ciidamada Ilaalada ka haya labadaan goob ee iska akdhow.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonan karo, tani waxay ka dambeysay markii dhinacyaddani ay heleen macluumaad sirdoon oo muujinaya inay kusoo wajahan yihiin weeraro qaraxyo ah.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada la faray inay joogteeyaan dhaqdhaqaaqooda iyo inay baaritaano dheeri ah ay sameeyaan.

Ma jiro qoraal rasmi ah ah oo kasoo baxay dhinacyaddani, balse waxay kusoo aadaysaa xili dhowaan qoraal kasoo baxay howlgalka Nabad-illaalinta Soomaaliya lagu shaaciyey isbedal lagu sameeyay hanaan gelitaanka xeradani.

Bayaanka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay warqabadka warsidaha GO ee Muqdisho waxaa lagu bidhaamiyay in guud ahaan cid kasta oo doonaysa inay soo gasho ay ufuran tahay Hal irid, xili kolkii hore laga geli jiray meelo kala duwan.

War-saxaafadeedka laguma xusin sababaha ka dambeyso arrinkani, balse wararka ayaa soo jeedinaya inay salka ku hayso baqdin laga qabo Qaraxyo loo adeegsado Gaadiid waawayn oo lagu weeraray Xalane.

Xeradda Xalane oo ay ku adag tahay inuu xitaa gallo masuul Soomaali ah ayaa waxaa degan saraakiisha Ajaaniibta ah ee dalka ku nool, Diblumaasiyiinta reer Galbeed iyo Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya oo qayb kamid ah xaruntiisu tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM