Ilaalada Xalane, Hay'adaha UN-ka iyo Garoonka Aadan Cadde oo heegan la geliyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waaxda amniga qaabilsan ee xeradda Xalane iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa lagu soo waramayaa inay heegan sarre geliyeen ciidamada Ilaalada ka haya labadaan goob ee iska akdhow.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonan karo, tani waxay ka dambeysay markii dhinacyaddani ay heleen macluumaad sirdoon oo muujinaya inay kusoo wajahan yihiin weeraro qaraxyo ah.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada la faray inay joogteeyaan dhaqdhaqaaqooda iyo inay baaritaano dheeri ah ay sameeyaan.

Ma jiro qoraal rasmi ah ah oo kasoo baxay dhinacyaddani, balse waxay kusoo aadaysaa xili dhowaan qoraal kasoo baxay howlgalka Nabad-illaalinta Soomaaliya lagu shaaciyey isbedal lagu sameeyay hanaan gelitaanka xeradani.

Bayaanka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay warqabadka warsidaha GO ee Muqdisho waxaa lagu bidhaamiyay in guud ahaan cid kasta oo doonaysa inay soo gasho ay ufuran tahay Hal irid, xili kolkii hore laga geli jiray meelo kala duwan.

War-saxaafadeedka laguma xusin sababaha ka dambeyso arrinkani, balse wararka ayaa soo jeedinaya inay salka ku hayso baqdin laga qabo Qaraxyo loo adeegsado Gaadiid waawayn oo lagu weeraray Xalane.

Xeradda Xalane oo ay ku adag tahay inuu xitaa gallo masuul Soomaali ah ayaa waxaa degan saraakiisha Ajaaniibta ah ee dalka ku nool, Diblumaasiyiinta reer Galbeed iyo Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya oo qayb kamid ah xaruntiisu tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM