Ilaalo loo maxkamadeynayo dilka taliye ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afar kamid ah ilaalada mid kamid ah huteelada ku yaala Muqdisho ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dil 18-kii October, sanadkii 2019 loo geystay taliye ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya.

Maxamed Saleebaan Abiikar [Maxaadey], taliyihii ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya, ayaa waxaa haleeshay rasaas la tilmaamay in ay rideen ilaaladda huteelka Maa'ida [Ex-Naasahablood].

Dhacdadaas ayaa waxaa sidoo kale ku naf-waayey Dable Ismaaciil Maxamuud Maxamed, oo kamid ahaa ilaaladda xilligaas wehlisay taliyaha.

Ilaaladda huteelka ee loo maxkamadeynayo gal-dacwadeedkan ayaa magacyadooda lagu sheegay; Xasan Shuute Cusmaan, Juule Gaabow Ibraahim, Salaad Xeyle Macalin iyo Mukhtaar Cabdullaahi Muuse.

Dacwad-oogeyaasha ayaa shaaca ka dhigay in "baaris casri ah" ay ku caddeeyeen in xabadda dishay labadda marxuum ay rideen ilaaladda huteelka.

Eedeysaneyaasha koowaad iyo labaad ayay ku eedeeyeen isku-day "marin-habaabinta cadaaladda" markii midkood uu sheegay in uusan goobta joogin, kan kalena uu ku adkeystay in uusan qori waddan.

Qareenadda difaacayay eedeysanayaasha ayaa doodooda kusoo koobay in eedeysanayaasha aysan qoriga u qaadan in ay wax dilaan. Xeer-ilaalinta ayay ku dhaliileen in ay adeegsato erayga "dil bareer ah".

Xafiiska xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamadda oo ilaaladda ay kasoo muuqdeen ayaa codsaday in dil toogasho lagu xukumo eedeysanayaasha.

Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda oo fadhiga soo gabagabeeyay, ayaa xusay in ay kiiskan go'aan kasoo saari doonan.

Wakiil ka socday qoysaska labadda marxuum ayaa cod dheer kusoo jeediyey in go'aanka maxkamadda lagu soo darro "xuquuqda gaarka ah ee ka baxsan tan ay ku leeyihiin Qaranka".

Ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya waxaa tababaray Turkiga. Maxaadey ayaa la toogtay xilli uu maalintaas kasoo laabtey gobolka Shabeellaha Hoose oo muddo bilooyin ah uu ugu maqnaa baacsiga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM