Ilhaan Cumar oo digniin kasoo saartey khatar kusoo wajahan Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Waaxda Socdaalka waddanka Mareykanka ayaa Soomaaliya u soo tarxiileysa tobanaan u badan da'yar kuwaasoo isugu jira qaar sharciga loo diiday, kuwa dambiyo galay iyo kuwa aan la ogeyn waxa lagu haysto.

Dhamaan shaqsiyaadkan ayaa kasoo jeeda gobolka Minnesota. Xaqiiqada jirtaa waxay tahay in badankooda ay la nool yihiin caabuqa faafa ee Covid-19.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay ogolaatay musaafurinta muwaadiniintan isla markaana ay dib u dejin u sameyn doonto.

Waalidiintooda ayaa go'aanka soo celinta caruurtooda waxay ku qeexeen "mid qaracan leh" iyagoo xusay in ay dedaal walba u bixiyeen sidii ay uga badbaadi lahaayeen musaafuriskan ka dhigan in aysan haysan fursad kale.

Ilhaan Cumar, mudanaha Aqalka Sare ee gobolka Minnesota, ayaa digniin kasoo saartey musaafurinta shaqsiyaadkan qaba Coronavirus, iyagoo hoosta ka xariiqdey in talaabadan ay tahay mid khatar ku ah badqabka Soomaaliya.

"Waaxda Socdaalka waxay Soomaaliya u musaafurineysaa tobanaan shaqsi oo kasoo jeeda gobolkeyga, arrintaas oo ah khatar faafin karta Covid-19," ayay ku tiri qoraal ay Twitter-ka kusoo qortay 12-ka bishaan September.

Xilli ay u muuqatay mid meel dheer wax ka eegeysa, ayay ku dartey "Ficilada Waaxda Socdaalka kaliya khatar ma gelinayaan shaqsiyaadkan, balse waxay cawaaqib xalkeedu daba-dheeraan karo u horseedayaan Soomaaliya".

Mareykanka ayaa xaqiijiyey kiisas Coronavirus ah oo ka badan todoba milyan, halka dhimashadda ay mareyso 196 kun; Soomaaliya waxaa laga diiwaan-geliyey ku dhowaad 4 kun kiis, iyo geeri ku dhow 100, inkasta oo shaki la geliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM