Safiirka Imaaraadka oo la kulmay madaxda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda mid dib boorka uga jafaya galaangalkiisa arrimaha Soomaaliya xilli waddanka isu-diyaarinayo fulinta heshiiska doorashooyinka ee lagu dhawaaqay 27-dii May, sanadkan 2021.

Abu Dhabi ayaa dhaqdhaqaaqeeda gudaha Soomaaliya uu si weyn hoos ugu dhacay afartii sano ee lasoo dhaafay taasoo ka dhalatay gacansaarka dhow ee maamulka Farmaajo la leeyahay maalgeliyaha guushiisa ee Qadar.

Firfircoonida uu Imaaraadkan lasoo baxey todobaadkan ayaa la rumeysan yahay in ay ka turjumeyso sida dalku ugu baahnaa heshiis doorasho marka loo eego deganaanshiyaha siyaasadeed iyo isbedelada iska soo daba-dhacaya.

Bishan June 6-deeda, Danjiraha Imaaraadka, Ahmed Othman Al Hammadi, iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo ku kulmay Muqdisho ayaa "kawada hadlay ammaanka, xasiloonida iyo qodobo kale oo ku saabsan danaha guud".

Isla 6-dii June, 2021, dowladda Imaaraadka ayaa ku dhawaaqdey in ay Soomaaliya la gashay heshiis is-afgarad ah kaasoo labada dal ku wadaagayaan xogaha maaliyada, lacag dhaqida iyo ka hortagida maalgelintaargagixisada.

Maanta, 7-da June, 2021, Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman "kaasoo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda".

Waa kulankii ugu horeeyay ee muddo kadib dhexmara mas'uul sare oo ka tirsan Villa Soomaaliya iyo diblumaasiga Imaaraadka. Farmaajo iyo taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, waxay si weyn ugu dhow yihiin xukuumada Dooxa.

Qatar ayaa waxay wadahadalo kula jirtaa qaar ka mid ah dowladaha Carabta kuwaasooo cilaaqaadooda uu xumaaday, gaar ahaan, waxay dhawaanahan xoojisay dadaallada lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya Doha iyo Abu Dhabi.

Doorashooyinka Soomaaliya ee waqtigooda dib-uga-dhacay waqtigii loo balansanaa ayaa la aaminsan yahay in sanadkan loolankeeda ka badan yahay xagaagii hore - marka loo eego baratanka gudaha iyo dowladaha daneeya arrimaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM