Imaaraadka oo shaaciyey mowqifkiisa qaraxii lala xiriiriyay Qadar

Image

ABU DUBIA, UAE – Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warbixintii majaladda New York Times ee Qadar la xiriirisay qarax bishii May ka dhacay magaaladda dekadda leh ee Boosaaso.

Anwar Gargash, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Abu Dubai oo gaashaanka u daruuray beeninta Dooxa ayaa wuxuu xoojiyey sidda loogu baahan yahay baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyay eedeymaha.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa kasoo xigatay, Gargash inuu yiri: "Hagar-daamada Qadar ee weerarkii ka dhacay Soomaaliya bishii May, waxay caddeyn u tahay cilaaqaadka Dooxa ay la leedahay argagixisadda".

Faladda jaraa'idka ayaa lagu sheegay in uu hayo cod uu duubay mid kamid ah sirdoonka wadamada aanan la dhac-saneen siyaasadda arrimaha dibadda Qadar uu kasoo muuqday safiirka Dooxa u fadhiya Muqdisho.

"Codkaasi waa mid khatar ah, mana lagu beenin karo war-saxaafadeed degdeg ah oo aysan la socon baaritaan," ayuu mas’uulkan, Gargash, ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Danjire Khalifa Kayed Al-Muhanadi iyo ganacsade reer Qadar ah ayaa codka kasoo muuqday, sida ay sheegtay NYT oo xusaysa in hadafka dhacdadaasi ay ku dhaawacmeen tobban ruux uu ahaa wiiqitaanka Imaaraadka.

"Garab-siinta argagixiso ka dhan ah Imaaraadka waa hurin baaxad leh, waxayna qireysaa sax ahaanshiyaha falalkii afarta dal (Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar," ayuu daba dhigay.

Wadamadan Carbeed ayaa waxay xiriirka u jareen Qadar, kuna soo rogay xiyraad dhulka iyo badda ah, iyaga oo ku eedeeyay taageerida argagixiso, wallow eedeyntaasi ay qashinka ku dartay xukuumadda Dooxa.

Tan iyo markii uu qarxay khilaafkaasi, dalalkan ayaa ku loolamayey taageero ay ka helaan qaramo ay kamid tahay Soomaaliya oo dhex-dhexaadnimo sheegatay, wallow ay muuqato saameyn xun oo laga dhex-lay.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u soo in la baaro warbixinta wargeyskaasi, iyadda oo ay ku raaceen Xildhibaano, wallow xukuumadda ay meesha ka saartay in ay talabaasi qaadeyso "maadaama ay ku qanacday sharaxaada Qadar".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM