In ka badan 50 qof oo ku dhimatay colaad ka oogan duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – In ka badan 50 qof ayaa lagu waramay in ay ku geeriyootay colaad muddo isbuuc ah ka oogan duleedka galbeed ee caasimada ku meelgaarka maamulka Jubaland ee Kismaayo.

Dadkaan dhintay ayaa waxaa la sheegay isugu jiraan dad shacab ah iyo dhinacyadda dagaalamay oo maleeyshiyo beeleed.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in colaada oo wali taagan ay salka ku hayso dhul daaqsimeed iyo aanooyin la xiriira qabiil.

Tobanaan kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen isku dhacyadda ayaa la tilmaamay in la dhigay Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Colaada ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay saaka mar kale qaraxdey, isla markaana dhinacyadda ay wadaan hub-uruursi xoogan.

Dedaalo dhinacyo kala duwan ka socday oo la doonayey in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay dagaalada ayaa guuldareystay, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayaanan dheg-jalaq-usiinin baaqyo ka imaanaya nabadoonada oo ku aadan in la dejiyo xaaladda.

Maamul goboleedka Jubaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin colaadaas dhimashada badan sababtay.

Dagaal-beeleedyada ayaa dhowr jeer kusoo laablaabtey degaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya gaar ahaan duleedka galbeed ee Kismaayo, wallow maamulka dedaalay xalin u helistooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM