Indhaqarshe: Khayre mararka qaar wax badan kuma heshiino

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada milatariga Soomaaliya, Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, ayaa meel fagaaro ah ka xaqiijiyay in isaga iyo ra'iisul wasaaraha dalka ay ku kala aragti duwan yihiin go’aanada qaarkood.

Indhaqarshe, inkasta oo uu hadalkaan ka dhawaajiyay, meesha kama uusan saarin in ay jiraan waxyaabo kale oo ay aragti ahaan ka midaysan yihiin, wallow uusan si fahfaahsan u soo bandhigin arrimahaasi.

"Inkasta oo waxyaabo badan aanan ku heshiisin mararka qaar, hadana marka aan isku raacno aad ayaan ugu farxaa ra'iisul wasaare," ayuu taliye Indhaqarshe ka yiri munaasabad habeenimadii Isniinta ka dhacay caasimada dalka.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya iyada oo maalmihii u dambeysay ay taagneed dood ku saabsan in ciidamada xooga dalka qaarkood aysan helin wax mushaar ah, inkasta oo ra’iisul wasaare Khayre uu dafiray.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa cod dheer ku qeexay in askarta aanan la siinin mushaharka ay yihiin kuwa aanan la diiwaan-gelin maadaama dib u habeyn lagu wado xoogaga difaaca dalka.

Dhinaca kale, taliyaha ciidamada xooga Soomaaliyeed, ayaa qiray in xaalada amniga dalka ay gaariisan tahay meel uusan muwaadinka isku haleyn karin, isaga oo codsaday in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa.

"Aniga iyo saddex mas'uul kale labo daqiiqo ayaan kaga badbaaday qaraxii Otto Otto ... marka qof kasta oo Soomaali waa in uu feejignaan amni ku jiraa," ayuu hoosta ka xariiqay taliyaha.

Ugu dambeyntii, taliye Indhaqarshe ayaa ku dhaliilay hogaanka ciidamada AMISOM in joojiyeen howlgaladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, maadaama oo ay ku gudaha jiraan sanadihii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM