Indonesia oo danjire cusub u soo magacaabatay Soomaaliya

Image

JAKARTA, Indonesia – Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo kaasoo loo garan og-yahay Jokowi, ayaa magacaabay danjire cusub oo waddankiisa u qaabilsanaan doona wadamo kale oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Mohamad Hery Saripudin ayaa kamid ah 20 safiiro cusub oo Jokowi uu ku dhawaaqay Isniinta maanta ah kadib wareegto ku taariikheysan 14-ka September, 2020 oo xafiiskiisa si rasmiya uga soo baxdey.

Wadamada kale ee Saripudin uu qarankiisa wakiilka uga noqon doona ayaa waxay kala yihiin; Kenya, Congo, Mauritius iyo Seychelles.

Magaala madaxda Kenya ee Nairobi ayay noqon doontaa fadhigiisa ugu weyn, halkaasoo uu ku bedeli doono Soehardjono Sastromihardjo kaasoo bishii hore uu ka dhamaaday muddo xileedkiisa rasmiga ah.

Safaaradda Nairobi waxaa haatan sii-haaye ka ah Wibanarto Eugenius kaasoo la filayo in uu jagadda ku wareejiyo Saripudin.

Saripudin ayaa horey u soo noqdey Qunsulka guud ee safaaradda Indonesia ee magaalada Sacuudi Carabiya ka tirsan ee Jeddah.

Sidda laga soo xigtay digreetadda, Jokowi ayaa kula dardaarmay diblumaasiyiinta cusub in ay waajibaadkooda u gutaan sida ugu fiican.

Indonesia ayaan kaliya ahayn dalka kaliya ee safiirka u qaabilsan Soomaaliya ay xaruntiisu tahay Nairobi ama ay wadamo kale kula lamaanan yihiin, waxaana ugu wacan ammaan xumida ka jirta caasimada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM