Iran oo isku-day Shiiceyn "ka sameysay" Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sharaxay go'aankii dowladiisa ay xiriirka ugu jartay Iran sanadkii 2016-kii kaasoo dood badan dhaliyey.

Isaga oo ka qeybgalayey aragti-wadaag Garowe Online uu xalay ku marti-geliyey Twitter-ka, Xasan ayaa beeniyay in go'aankaas uu ku yimid codsi kaga yimid boqortooyada Sacuudiga.

"Waxaan u ceyrinay howlgalka diblumaasiga ee Iran in waddanka ay waddeen Shiiceyn," ayuu ka dhawaajiyey hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka.

Sida laga soo xigtey Xasan oo hadda musharax u ah xilka ugu sareeya Jamhuuriyada Soomaaliya, xukuumada Tehran waxay shaqaddaas u soo dhexmsrtay barnaamijyadda samafalka.

"Go'aankaas wuxuu ku saleysanaa cadeymo - codad iyo muuqaalo ay keeneen koox kamid ah hay'adeena sirdoonka," ayuu ku daray, isaga oo qiray in ay kalkii hore xogta u soo dusiyeen dowladdo.

Xasan Sheekh oo tibaaxay in siyaasada maamulkiisa ee arrimaha dibadda ay ahayd in dalku uusan cadow dibada ah yeelan ayaan shaaca ka dhigin dowladaha macluumaad u soo dusiyey.

"Annaga oo hadda oo wadda Sunni ah ayaa qabiil isku haysana - haddii Shiico iyo Suni loo kala baxo - khatarta ka dhalan karta aad bay u sareysaa," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii, Xasan oo rumeysan in itaal-darida Soomaaliya haysata ay tahay in aysan jirin wada-ogol, siyaasad iyo ka go'naanshiyo ayaa xusay faragelinta dibada jireyso inta dalku jilacsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM