Iran oo isku-day Shiiceyn "ka sameysay" Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sharaxay go'aankii dowladiisa ay xiriirka ugu jartay Iran sanadkii 2016-kii kaasoo dood badan dhaliyey.

Isaga oo ka qeybgalayey aragti-wadaag Garowe Online uu xalay ku marti-geliyey Twitter-ka, Xasan ayaa beeniyay in go'aankaas uu ku yimid codsi kaga yimid boqortooyada Sacuudiga.

"Waxaan u ceyrinay howlgalka diblumaasiga ee Iran in waddanka ay waddeen Shiiceyn," ayuu ka dhawaajiyey hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Horumarka.

Sida laga soo xigtey Xasan oo hadda musharax u ah xilka ugu sareeya Jamhuuriyada Soomaaliya, xukuumada Tehran waxay shaqaddaas u soo dhexmsrtay barnaamijyadda samafalka.

"Go'aankaas wuxuu ku saleysanaa cadeymo - codad iyo muuqaalo ay keeneen koox kamid ah hay'adeena sirdoonka," ayuu ku daray, isaga oo qiray in ay kalkii hore xogta u soo dusiyeen dowladdo.

Xasan Sheekh oo tibaaxay in siyaasada maamulkiisa ee arrimaha dibadda ay ahayd in dalku uusan cadow dibada ah yeelan ayaan shaaca ka dhigin dowladaha macluumaad u soo dusiyey.

"Annaga oo hadda oo wadda Sunni ah ayaa qabiil isku haysana - haddii Shiico iyo Suni loo kala baxo - khatarta ka dhalan karta aad bay u sareysaa," ayuu hoosta ka xariiqay Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii, Xasan oo rumeysan in itaal-darida Soomaaliya haysata ay tahay in aysan jirin wada-ogol, siyaasad iyo ka go'naanshiyo ayaa xusay faragelinta dibada jireyso inta dalku jilacsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM