Is-qarxihii lagu qabtay bartamaha Soomaaliya oo wajahaya maxkamad

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Laamaha amaanka ayaa su'aalo waydiinaya ninkii isku dayey in uu isku qarxiyo munaasabada ka socotay magaaladda Guriceel, maalintii Khamiista, balse ay qabteen ciidamada.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa shaaciyey in natiijo horudhac ah oo kasoo baxday baaritaanka ay muujineyso in ninkaan uu kasoo jeedo Koonfurta Soomaaliya, isla markaana uu ku cusbaa halkaasi.

Saadaq Yuusuf Ibraahim oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa intaasi raaciyey in sidoo kale lasoo qabtay ruux kale kaasi oo ka saaciday naftii horaha in howlgalkaasi fashilmay uu ku dhiirado.

"Labadooba baaritaan ayaa ku socota. Wixii kasoo baxa waa la idinla soo wadaagi doonaa," ayuu hadalkiisu raaciyey, isaga oo daba dhigay "Ciidamada geesiyeyaasha waanu u mahad-celineynaa".

Mar la waydiiyey talaabada xigta oo ay ka qaadi doonan ayuu ku jawaabay: "Waa argagixiso doonayey in uu dilo dad shacab ah. Maxkamad ayaana lasoo taagi doono, si cadaalada loo marsiiyo.

Mr Saadaq oo la su'aallay hadii eedeysaneyaasha ay heli doonan maxkamadeyn cadaalad ah ayuu ku war-celiyey: "Haa maxkamad cadaalad ah ayuu heli doonaa, qof walbaa u jeeday in uu qarax waday".

Fahfaahino aan la xaqiijin oo durba soo baxaya ayaa ku waramaya in ninka howlgalk fashilmay fulin rabay lagu magacaabo Maxamed Nuur, uuna kasoo baxay magaaladda Ceelbuur.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, ninka ayaa wax ka badan laba jeer isku dayey in uu is-qarxiyo balse way u suurtogeli wayday, waxaana intaasi kadib isku duubay askari ilaalada qayb ka ahaa oo arkay.

Warar kale ayaa sheegaya in askariga oo arkay in ninka uu miineysan yahay in uu ka gooyey mid kamida fiilada qaraxa, taasi oo fashilsay Is-miidaaminta oo la sheegay in walxo qarxa oo culus loo adeegsaday.

Munaasabada uu bartilmaameedku ahaa ayaa lagu xusayey dagaalameyaashii Ahlu Sunna kaga geeriyooday dagaalka ay kooxda Al-Shabaab kaga saareyn magaaladda Guriceel sanado badan kahor.

Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiinta ugu sareysa Ahlu Sunna iyo Galmudug oo uu ku jiray Madaxa Golaha Wasiirada, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horey u ahaa gudoomiyaha Ururkaasi.

Dhacdooyinka noocaan ah si gaar ah in la qabto qof Is-qarxinaya ayaa dhif iyo naadir ka ah degaanada Galmudug, waxaana dadweynaha ay hadalhayaan arrintaan oo aysan wali jirin cid sheegatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM