Isbedel lagu sameeyay hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Kadib wadahadalo ka qabsoomay magaalada Nairobi, caasimada wadanka Kenya, waxaa isbedal balaaran lagu sameeyay hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir.

Isbedalkaan oo saameeyay jagooyinka sare ee ururkaasi siyaasadeed ayaa yimid markii ay kusoo biireen xisbiyo kale kuwaasi oo kala ah; Xisbiga Aragtida Cusub iyo Xisbiga Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wali ah hogaamiyaha xisbiga. Saciid Muuse Cabdi Baalle ayaa laga dhigay gudoomiyaha. Halka Sayidcali Cabdulle laga dhigay gudoomiye ku xigeen.

Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, wasiirkii hore Howlaha Guud ee xukuumada Khayre, ahaana gudoomiyaha Xisbiga Aragtida Cusub ayaa loo magacaabay Xoghayaha guud ee xisbiga Wadajir.

Laga ogga sida uu ku yimid isbedalkaan, maadaama xisbiga Wadajir uusan lahayn Golle Dhexe oo soo doorto xubnaha Golaha Fulinta oo mas'uuliyiintaan ay kamid yihiin.

Talaabooyinkaan oo qayb ka ah ol'olale ay axsaabta wadanka bilaabeen ayaa imaanaya xili muddo laba sano ay ka harsan tahay doorashada la filayo in ay noqoto qof iyo cod, ayna ku tartamaan xisbiyadda ee 2020-21.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed uu xisbiga kasoo saaray isbedalka

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM