Isbeddal lagu sameeyay shaqaalaha hay’addaha amniga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlwadeenada hay’addaha amaanka federaalka ayaa waxaa ku socda isbeddal joogta ah kadib weerarko gil-gilay todobaadyadii u dambeeyay Muqdisho.

Sidda uu xogta ku helay Garowe Online, shaqaalaha qaarkood ayaa shaqada laga eryay, iyadda oo sababta loogu sheegay in ay qayb ka tahay dib u habeyn lagu sameynayo hay’adaha ay ka tirsanaayeen.

In ka badan 8 dhacdo oo loo adeegsaday qaraxyo gaari ayaa laga tabiyay Muqdisho kaliya bishaan Maaj, taasoo ay ku geeriyootay ku dhowaad 40 ruux ayna ku dhaawacmeen in ka badan tiradaasi.

Khuburada ayaa aaminsan in madaxda dowlada ay filan-waa ku noqotay sida ay Al-Shabaab maalinle uga dhigtay howlagaladooda caasimada, taasoo tooshka ku ifisay fashilka hay’addaha sirdoonka.

Shalay ra’iisul wasaare Khayre oo shir deg deg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda ayaa uu mid-mid uga dhageystay xalka amni darida magaala madaxda dalka ku yaala Geeska Afrika.

Dhowr illo wareed ayaa u dusiyay GO in inta badan wasiirada ay farta ku fiiqeen hay’adda sirdoonka, iyaga oo uu hoosta ka xariiqay in uusan jirin mukhaaraad la isku haleyn karo oo wajaha midka maleyshiyaadka.

Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhex-milmeen xubno ka tirsan cadowga, kuwaasi oo dusiya xogaha xasaasiga ah ee howlgalada u fududeyn kara argagixisada.

Mas'uuliyiinta ayaa isku raacay in howlgal saf balaaran leh laga fuliyo xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadda oo mid mid loo baarayo gaadiidka raaxada ah, lana xirayo qaar kamid ah jidadka caasimada.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada, Eng Yariisow, ayaa ka cod-saday shacabka in ay dulqaad muujiyaan inta ay socdaan howlgaladaasi oo uusan shaacin mudada ay soconayaan.

Isbedalka ku socda shaqaalaha hay’addaha nabad-gelyadda ayaa kusoo aadaya xili shalay taliska ciidamada milatariga uu badalay qaab dhismeedka hogaanka ciidanka, iyada oo lasoo kordhiyay taliye ku xigeen taliyaha ciidamada lugta.

Si lamid ah isbedal kan lamid ah ayaa dhacay kadib duulaankii lagu qaaday xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin wasaarado ay kamid tahay tan amniga, taasoo dhalisay kala shaki soo galay madaxda wasaarada iyo shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM