Isbedel lagu sameeyay ciidamadii DF Soomaaliya geysay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Isbedel ayaa lagu waramayaa in lagu sameeyay Ciidamaddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku daabushay Dhuusamareeb, magaala madaxda maamulka Galmudug.

Ugu horeyn, waxaa Arbacada maanta ah lasoo wariyey in magaalada laga dhoofiyey ciidamaddii dhowaan la wareegay xaruntii Ahlu Sunna ee INJI.

Ma cadda halka loo qaadey, balse wararku waxay qeexayaan in diyaarad gaar ah oo ka timid Muqdisho ay ka duulisay caasimadda.

Duulaankii ay ku qabsadeen xarunta INJI oo qaatay maalmo waxaa ka dhashay burbur maaliyadeed iyo mid nafeed oo rayid u badan.

Dhanka kale, ciidamo horleh oo ka tirsan Haramcad ayaa isla maanta la sheegay in laga dejiyey magaaladda Dhuusamareeb.

Cutubyadda ayaa la tibaaxay in loogu talagalay xaqiijinta ammaanka magaalooyinka dowlad goboleedkaas si gaar ah caasimadda.

Haramcad, waa boolis uu si gaar ah u tababaray Turkiga, waxaana loogu talagalay sugitaanka amniga magaalooyinka iyo howlgalada qorsheysan.

Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudada xileedkeeda uu dhamaad yahay ayaa mar sii horeysay loogu eedeeyay in ay ciidamada u adeegsato maquuninta dhinacyadda naqdiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM