Isbitaalada Muqdisho oo lacag ka sameynaya safmarka Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Isbitaaladda magaalada Muqdisho ayaa waxay u muuqdaan kuwa iska-indhatiray digniin maalmihii lasoo dhaafay kaga imaaneysay Wasaarada Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Digniintaas ayaa la xiriirta in aysan qaabili karin kuna hayn karin xarumahooda bukaanada ay ku arkaan astamaaha safmareenka Coronavirus "maadaama aysan haysan qalabka lagula tacaalo".

Fariimaha loo diray maamuleyaasha Isbitaalada waxaa lagu faray in bukaaanda ay ku arkaan calaamadaha xanuunka ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ugu soo wareejiyaan xarunta dhexe ee la tacaalida caabuqa.

Hase ahaatee, macluumaad hoose oo saacadihii lasoo dhaafay laga soo uruuriyey qaar kamid ah Isbitaaladda ayaa muujinaya in aysan u hogaan-samin fariintaas, waxayna si caadi ah u wataan shaqooyinkooda.

Sababta keeneysa arrintaan ayaa lagu seegay laba arrimood oo kala ah; bukaanada oo aan kalsooni badan ku qabin xarumaha dowladda maadaama aysan ka heli karin daryeelka ay u baahan yihiin.

Sidoo kale, sababta kale ayaa waxaa lagu macneeyay maamuleyaasha isbitaalada gaarka loo leeyahay "oo raba in ay lacag ka sameeyaan".

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in qaar kamid ah Isbitaalada ay sameysteen xarumo lagu baaro xanuunka, iyagoo lacag ka qaadaya dadweynaha.

Xarunta ay dowladda u diyaarisay la dagaalanka caabuqa oo ah Isbitaal Martiini waa bilaash, dadka baaritaanka u tagana lagama qaado wax lacag ah, balse dadka kuma qabaan kalsooni badan.

Kalsoonida ay shacabka ku qabi karaan xarunta dhexe ee dowladda Soomaaliya u diyaarisay la dagaalanka cudurka ayaa hoos u dhacday kadib markii habeenimadii Axada ay "dayac" ugu dhinteen sagaal qof.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in bukaaanda ay u geeriyoodeen neef-qabatin markii ay korontada ka tagtay mashiinadii neefta siinayey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa ku tilmaamay "mas'uuliyad darro weyn in wasaaradda aysan matoor keyd ah geynin xarunta karantiilka ee Martiini".

Muqdisho ayaa hogaamineysa tirada kiisaska Covid-19 ee guud ahaan waddanka, waxaana kororka uu yahay mid maalinleh. Cabsida laga qabo in ay sii kordhaan way sareysaa, maadaama aysan muuqan feejignaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM