Iska hor-imaad khasaaro dhaliyey oo ciidamo ku dhexmaray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad shan askari ayaa ku dhimatay, saddex kalena waxaa soo gaarey dhaawacyo kadib iska hor-imaad ciidamo ku dhexmaray bar kontarool oo ku taala magaalada Muqdisho.

Is-rasaaseynta oo aroornimadii Talaadada maanta ah laga soo wariyey aaga Jabad-geelle ee Dayniile wuxuu u dhaxeeyay askar kala taabsan maamulada degmadaas iyo degaanka Garas-baaley.

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in dhinacyadda uu u dhaxeeyo muran dhuleed xoogan gaar ahaan lahaanshiyaha degaanka Jabad-geelle.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku baxay meesha ay wax ka dhaceen si ay u qaboojiyaan xiisaddda.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan isku dhacaan oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey Garasbaaley ugu aqoonsadey maamul degaan, taas oo soo afjartay in ay hoostagaan degmada Dayniile.

Isku-dhacyadda ciidamadda ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku batay Muqdisho, waxaana loo aaneeyay joogitaankooda gudaha iyo duleedka magaala madaxda oo xoogeystay, iyo lasocodka xaaladooda oo liita.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM