Itoobiya oo duqeyn ku dishay 35 kamida Al-Shabaab iyo jawaab laga bixiyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Taliska ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa shaaciyay in weerar cirka ah oo ay ka fuliyeen Tuulada Buur Haybe, oo 75-KM dhanka Bari uga beegan magaalada Baydhabo, ay ku dileen 35 kamid ahaa kooxda Al-Shabaab.

War saxaafadeed oo uu talisku soo saarey ayaa lagu xusay in duqaynta oo la qaaday 24-kii bishaan xubnaha lagu khaarijiyay ay ku jiraan labo saraakaal kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Abdu Cismaan iyo Cabdisalaam.

Cismaan ayaa ahaa madaxdii howlgalada ee Aagaasi, halka Cabdisalaam uu ahaa madaxii Bambaanooyinka, sida lagu sheegay warka, oo aanan lagu caddeynin fahfaahin dheeri ah oo ku saabsan magacyada waalidkooda.

"Howlgalka sidoo kale waxaa lagu waxyeeleeyay afar gaari oo nooca xamuulka ciidamada ah…iyo shan qori oo casri ah," ayuu talisku intaasi raaciyay, sida ku cad bayaanka oo warbaahinta loo digay.

Dhanka kale, gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobolada Bay iyo Bakool, Sheekh Cabdullaahi Macalin Geedow oo xaqiijiyay duqaynta ayaa meesha ka saarey inay ka dhalatay wax khasaaro ah.

Weerarkaan cirka ah oo aysan wali ka hadlin dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya iyada oo Itoobiya ay horaantii bishaan ku hanjabtay weerar aargoosi oo ka dhan ah kooxda cilaaqaadka la leh Al-Qaacida.

Hanjabadaasi ayaa ka dambeysay markii ay Al-Shabaab ay gobolka ku beegsatay kolanyo ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah, halkaasi oo looga dhaawacay afar kamid ah, wallow xoogaga ay tilmaameen dilka tobaneeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM