Jadwalka iyo maalinta doorashada Jubbaland oo la shaaciyey

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqey Jadwalka iyo maalinta coddeynta madaxda cusub ee maamulkaasi.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saarey ayaa lagu shaaciyey in berri oo ay taariikhdu tahay 5-ta July la isugu yeeri doono Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanadda cusub.

Sidda ku xusan bayaanka, 16-ka bishan ayaa lasoo gudbin doonaa liiska saxda ah ee mudanayaasha cusub ee kasoo muuqan doono Golaha Wakiiladda Jubbaland.

Isla maalintaasi waxaa uu guddigu ic-laamiyey in ay si rasmi ah u bilaabaneyso diiwaan-gelinta murashaxiinta, kuwaasi illaa iyo haatan aanan kala caddeyn karin tiradooda.

Shaacinta iyo dhaarinta xubnaha cusub ee xeer-dejinta ayaa waxaa loo muddeeyay in si rasmi ah loosoo bandhigo 7-da bisha August ee sanadkan 2019-ka, sidda ku cad qoraalka.

Guddiga ayaa daboolka ka qaadey in uu diiwaan-gelinta murashaxiinta gudoonka baarlamaanka ay bilaaban doono 14-ka bisha Agugust ee sanakdan 2019.

Tartameyaasha xilalkaasi ayaa waxay la hadli doonaa Xildhibaanada cusub 17-ka bisha Agusut, xili doorashadda gudoonka ay qabsoomeyso maalinta xigta oo ah 18-ka August.

Murashaxiinta jagada madaxweynaha ayaa waxay baarlamaanka la hadli doonan laba maalin kadib, oo ah 20-ka August 2019, iyaga oo soo bandhigaya barnaamijkooda siyaaasadeed.

Ugu dambeyntii, doorashadda ayaa waxay qabsoomeysaa 24-ka bisha August 2019, halkaasi oo lagu dooran doono hogaamiyaha cusub ee Jubbaland, afarta sano ee soo aadan.

WAR-SAXAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM