Jarmalka oo dhaqaale ugu deeqay Soomaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jarmalka ayaa shaaciyay in Soomaaliya ugu deeqay 100 milyan oo Dollar-ka Mareykanka, xilli dhawaan Madaxweyne Farmaajo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiir cusub oo dalkaasi ka socda.

Danjiraha cusub ee Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Annette Gunther oo ka hadlaysay munaasad lagu xusayey maalinta Midowga Jarmalka oo lagu qabtey Muqdisho ayay ka sheegtay lacagta ay siinayaan dowladda Federaalka.

Lacagtan ayaa waxay dowladda Jarmalka ugu tala-gashay in lagu xoojiyo arrimaha amaanka Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu horumarinayo booliska.

Gunther ayaa xustay in lacagtani oo Soomaaliya loo marisiin doono hay'addaha deeqaha loogu dhiibo ayaa qeyb ka ah deeqaha maaliyadeed ee dowladaha saaxiibada la ah dowladda Federaalka ay siinayaan xilli mas'uuliyiin badan musuq-maasuq loo xiray.

"Waxaan doonaynaa inaan xoojinyo xiriirkeena diblmaasiyadeed iyo joogitaankeena Soomaaliya, dowladda Jarmalka waxay siinaysaa dowladda Federaalka $100 million," ayay tiri Gunther.

Yaboohan dhaqaale ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii dowladaha Jarmalka iyo Soomaaliya kala saxiideen heshiis lagu xoojinayo xiriirkooda iskaashi iyo midka diblumaasiyaseed.

Axadii ayey ahayd markii Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] uu warqadaha safiirnimo uu ka gudoomay Marwo Annette Gunther, taas oo bedashay danjirihii hore ee Jarmalka u qaabilsanaa dalkaan Geeska Afrika ku yaala.

Jarmalka ayaa kamid ah dalalka dhinaca maaliyadda, amniga iyo horumarka ka taageera dowladda Soomaaliya oo lagu dhaliilay inay ka gaabisay wax ka qabashada amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM