Jarmalka oo qabtay "haweenay ka tirsan Daacishta Soomaaliya"

Image

BARLIN, Germany – Dambi-baareyaasha Jarmalka ayaa qabtay haweenay ay sheegeen in ay xubin buuxda ka ahayd Daacishta Soomaaliya.

Carla-Josephine S. ayaa lagu soo oogay dacwad ah "kamid noqosho urur argagixiso iyo in ay koox xagjir ah ku biireysay saddex kamid Ubadkeeda".

Caruurta ayaa la sheegay in ay sanadkii 2015-kii u dhoofisay Suuriya. Seygeeda wuxuu waqtigaas ku guda jiray socdaal ganacsi.

Magaceeda dambe ayaa la qariyey. Balse booliska ma uusan sharaxaad ka bixin waxay keenay talaabadaasi naadirka ah.

Ilmaha ayaa waxay geysay xarumo ay leedahay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka, halkaas oo lagu xagjireeyay.

"Markii cunugeeda uu su'aallo ka waydiiyey waxay baranayaan waxay u sheegtay hogaamiyaha, kaasoo ciqaabay," ayaa lagu yiri warbixinta.

Wiilkeeda oo qaatay tababar milatari ayaa la dilay 2018-kii markii la duqeeyay goob uu kula sugnaa xubno kamid ah Daacish.

"Markii ay ninkeeda ku qancin wayday in uu ISIL kusoo biiro, 2016-kii waxay guursatay dagaalame ka tirsan Daacishta Soomaaliya," ayay raacisay.

Haweenaydan ayaa waxaa la xiray bishii April ee sanadkan 2019 ka gedaal markii ay ku laabtay Jarmalka, waxayna haatan wajaheysaa maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM