Jeesow: Xayiraada hubka ayaa caqabad ku ah tayeynta ciidamada Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ka hadlay weerar jidgal ah oo ay Ururka Al-Shabaab shalay ay kula beegsadeen degaanka Dhanaane saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka.

Weerarkaas oo loo adeegsaday qarax Miino ayaa lagu khaarijiyay Cabdi Salaan Sheekh Daahir, Abaanduulihii guutada 12-ka April, iyo Col Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse, madaxa lacagta guutada 1aad.

Goobta lagu beegsaday saraakiishaan waxaa labo bilood kahor lagu dilay Taliyihii guutada 12-ka April iyo Abaanduulihii qaybtaasi taasi oo calaamad su’aal gelineysa inay dowladu awood u leedahay madaxdeena.

Xildhibaan Jeesow ayaa qaba in tani ay dharbaaxo kulul ku noqoneyso askarta, maadaama hadii mar kasta la dilo hogaankooda ay ka qaadi karaan niyad-jab, sabab inay difaaca qaranka joojiyaan.

"Ciidan hadii hogaankiisa la dilo mushaakilkiisa wuu banayaan," ayuu yiri mudanaha, kaasi oo hadalkiisa ku daray "Waa in la tayeeyaa, oo la siiyaa qalabka uu uga badbaadiyo waxyaabaha noocaan ah [qaraxyada]".

Somalia waxaa saaran xayiraad dhinaca Hubka, taasi oo aanan u suurtagelineyn inay soo iibsato Hub culus si ay ugu adeegsato gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish-ta dalka kusoo korodhay.

Sharcidejiyaha oo sii hadlaya ayaa shaaciyay in mudada ay dalku saaran tahay cunaqabeynta uu kusoo rogay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay aanan la helayn ciidamo xoogan oo tayo iyo tiraba leh, oo uu yeesho qaranka.

"Ogaada dalkaan dagaal ayuu ku jiraa…isagoo uu dagaal ku jiro ayuu cunaqabateyn caalami ah saaran tahay..oo aan ciidamadeena ka teyeysan la’ nahay," ayuu Jeesow hadalkiisu daba dhigay.

Dowlada Somalia ayaa marar badan u gudbisay Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay dalab ah in laga qaado xayiraada, taasi oo ay ku hun-gowday, xili loo kordhiyay dabaqaayada sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM