Jeneraallo ciidan iyo Askar kale oo qarax lagu dilay [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cumar Aadan [Cumar Dheere] iyo taliyayaal kale ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinceeda lagu aasay ayaa ka dhacay degaanka Dhanaane kaasoo lala eegtay kolonyo ay la socdeen Jeneraal Cumar Dheere iyo Abaanduulaha guutada 12- April, Cabdi Cali Jamaame.

Wararka ayaa sheegaya in Jeneral Cumar Dheere uu u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaarey qaraxa, kaasoo isla goobta ku dilay Abaanduule Cali Jamaame iyo dhowr Askari, oo ilaalo u ahayd.

Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay Saraakiisha sare ee katirsanaa Militeriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas'uuliyiint dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaanan wali ka hadlin qaraxa lagu dilay hogaankii guutada 12-ka April, oo ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore markii la doortey sanadki tagey shaaciyay inuu guluf dagaal ku qaadayo Al-Shabab, oo dalka laga saari doono, balse balan-qaadkan ayaa u muuqda mid aan wali mira-dhalin.

Al-Shabaab ayaa ku awood badan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la rumeysan yahay inay kasoo abaabusho qaraxyada ay ka fuliso Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM