Jubaland: Musharaxiinta Aqalka Sarre oo lasoo bandhigay

Image

KISMAAYO, Jubaland - Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland ayaa Kismaayo kusoo bandhigay liiska musharaxiinta u taagan kamid noqoshada Aqalka Sare ee xeer-dejinta federaalka.

Maamulkan wuxuu Senate-ka Soomaaliya ku leeyahay 8 xubnood oo kamid ah 54-ka kursi ee golahan oo dastuuriyan metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah federaalka.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa, sida madaxda ku heshiisay, gudbiyey xubnahan uu shaaciyey guddiga kuwaasoo wadartoodu tahay 9 ayna kaliya haween ka tahay mid qura.

Xubnaha Axmed Madoobe gudbiyey ayaa waxay kala yihiin; Cabdullaahi Sheekh Cali Fartaag waxaa la tartamaya Axmed Maxamed Jaamac, Xaliima Jaamac Maxamed waxaa la tartamaya Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan; Ilyaas Badal Gaboose waxaa la tartamaya Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, halka Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftiin Xasan Iimaan ay hal kursi ku hardamayaan.

Maadaama kaliya hadda la shaaciyey musharaxiinta afar kursi oo kamid ah kuraasta Jubaland ku leedahay Senate-ka, waxaa u harsan afar kale kuwaasoo la filayo in dhowaan lasoo bandhigo.

No photo description available.

Dhanka kale, Jadwalka doorashadda xubnaha Jubaland ku metelaya Aqalka Sare ee federaalka Somaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay isla guddigan.

Jadwalkaas uu Garowe Online arkay ayaa wuxuu muujinayaa in araajada laga qabanayo 28-da Julaayo ayna la hadlayaan baarlamaanka maalinta xigta 29-ka July ee isla sanadkan 2021.

Sikastaba ha ahaatee, maamulkan uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu noqonayaa dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee shaaciya liiska musharaxiinta oo horey loogu balansanaa 25-ka July, 2021.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM