Jubaland oo baaq kasoo saartay dibad-baxa Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubaland – Banaanbaxa ay Jimcada qabanayaan Midowga Musharaxiinta "waa mid mudan in lasoo dhaweeyo balse waa in laga fogaadaa wax kasta oo keeni kara gacan-ka-hadal," sidda ay ku baaqdey Jubaland oo caddeysay aragtideeda isu-soo-baxaas.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, ayaa ku nuux-nuux-saday in dastuurka ku meelgaarka ah ee dalku leeyahay uu qeexayo muwaadinka uu xaq u leeyahay in uu abaabulo ama ka qeybgalo mudaaharaad nabdoon meel kasta oo dalka kamid ah.

"Dowladda federaalka waa in ay dulqaad muujisaa dhageysataana dhawaqa ka qeybgaleyaasha banaanbaxa," ayuu ku daray.

Jubaland ayaa noqoneysa maamul goboleedkii ugu horeeyay ee waddanka oo soo bandhiga mowqifkiisa mudaaharaadka oo qorshuhu yahay in ay kasoo muuqdaan xubnaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda isla markaana qorshuhu yahay in ay Daljirka Daahsoon dadka kula hadlaan.

Mawduuca dibadbaxa ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu yahay in madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga dalbado in uu xukunka ku wareejiyo si nabad ah isla markaana dalka u dareeriyo doorashooyin daahfuran oo loo-dhan-yahay.

Farmaajo ayay uga digeen in uu isku dayo carqaladeynta banaanbaxa isla markaana uu mas'uuliyadeeda qaadayo dhibaato kasta oo ka qeybgaleyaasha kasoo gaara ficil ay ciidamaddu sameeyaan.

Muddo xileedka hay'addaha dastuuriga ah ee Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha wuxuu dhamaadey 8-dii Febraayo iyadda oo uusan caddeyn qaabka waddanka uga baxayo mar-xalada kala guurka taas oo xoojisay hubanti la'aanta xil-isku-wareejin ku dhacda si nabdoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM