Jubaland oo baaris ku bilowday qaraxii galaaftey ciyaartoyda

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne ku xageenka koobaad, Maxamuud Sayid Adan, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shir gudoomiyay kulanka todobadlaha ah ee golaha xukuumadda.

Ugu horayn, Shirka ayaa lagaga hadlay arimaha amaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubaland iyadoo Wasaarada amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay.

Sida lagu sheegay qoraal kulanka kasoo baxay, wasaarada iyo hay’adaha amaanku "waxay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas".

Ugu yaraan saddex qof oo laba kamid ah ciyaartoy ahaayeen ayaa ku nafwaayey weerarkaas lagu beegsaday bas ay la socdeen laacibiinta kuna sii jeedeen daahfurka tartan kubadda cagta ah.

Wasaarada Maaliyada ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaarada maaliyada taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo celin doonan fadhiyada danbe.

Dhinaca kale, wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo kale la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland oo si habsi leh u socda.

Wasaarada waxbarashadana ayaa waxa ay soo gudbisay sida ay qeyb uga tahay heshiiska hormarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo dib loogu habaynayo adeegyada waxbarashada Soomaaliya isla markana diirada la saarayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM