Jubaland oo bogaadisey bayaankii Shirka Wadatashiga Puntland

Image

KISMAAYO, Jubaland - Xafiiska warfaafinta madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa soo bandhigay aragtidiisa ku wajahan go'aanadii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 18-ka Maaj sanadka 2020 ayaa lagu sheegay in maamulka uu guud ahaan taageersan yahay qodobadii laga soo saarey shirkaas socday saddex maalmood.

Xukuumada federaalka ayuu ku eedeeyay "awood maroorsi, baalmarista nidaamka federaalka, jebinta iyo ku tumashada dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala iyo khal-khal gelinta amniga waddanka".

Talaabooyinkaas ayuu hoosta ka xariiqay "in ay sababeen walaac soo foodsaarey dalka, xukuumadda oo lumisay kalsoonida shacabka iyo shaki gelinta aduun-waynihii gacanta ku hayey caawinta dalkeena".

Shacabka, goleyaasha dowlada federaalka, saamileyda iyo beesha caalamka ayuu ku tartarsiiyey in ay ka faa'iideysteen "fursada muhiimka ah" ee shirweynuhu soo bandhigay, taasoo ah gogol looga hadlo masiirka dalka.

Qodobada taabanaya Jubaland ee shirweynaha kasoo baxay waxaa kamid ah "faragelinta qaawan ee dowladda federaalka ku hayso gobolka Gedo si lamid ah maamul goboleedyadda qaar ee dalka".

Sidoo kale, shirweynuhu wuxuu cambaareeyay ciidamadda danaha gaarka ah laga leeyahay ee qaar kamid ah dowladaha caalamka u tababarayaan Villa Soomaaliya "si ay ugu caburiso dowlad goboleedyadda kasoo horjeeda".

BAYAANKA JUBALAND

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM